DEG DEG ABDI ILEY OO HOTEL LAGU WEERARAY IYO UJEEDADA SAFARKIISA OO QAYB WAYN LAGA OGAADAY IYO AMXAAR KU WEERARAY (VIDEO DAAWO)

MADAXWAYNE CABDI ILEY OO MUDO 24 SAAC GUDAHOOD AH WEERARKII LABAAD LAGU QAADAY.

WAR DEG DEG AH: waxaa daqiiqado kahor lagu qaaday weerar labaad Madaxwayne Cabdi Iley oo ku dhex jira gudaha safaaradda Wadanka Itoobiya uu ku leeyahay magaada Washiton DC isaga oo halkaasi ku dhuumaalaysanayo, weerarkan ayaa noqonayo kii mudo 24 saac gudahood lagu qaaday Madaxwatne Cabdi Iley oo isaga aaminsan in uu amaankiisa halis ku jiro.

Weerarkan u dambeeyay ayaa waxaa gaystay dhalinyaro ku hagoogan Calanka DDSI iyaga oo ku qaylyahay erayo ay kamid yihiin ( waaka dhiig yacabkii, xasuuqa shacabkanagga aad u gaysatay ma ahan mid aad ku bad baadi doontid, waan kula dagaalamaynaa waana kaa aargoosanaynaa calooshiis u shaqaystihiiyoow iyo erayo kale ayay dhalin yaradani ku qayl yahayeen).

Waxaa ilaa hada uu madaxwayne Cabdi Iley maarayn la’yahay sidii uu amaankiisa xal uu ugu heli lahaa isaga oo quus kaba taagan habkii uu ku gaadhi lahaa magaalada Minapolis oo iyada la ciir ciiraysay dad badan oo deegaanka u dashay oo dhowr kii maal mood ee u dambeeyayba halkaasi kusii qul qulahayay si Cabdi Iley uga hor imaadaan oo ay u fashiliyaan qorshayaasha guracan ee uu wato kaligii taliye Cabdi Iley.

Wararka hoose ee ay helayso shabakada Degankasi.com ayaa sheegaysa in safiirka Dalka Itoobiya u fadhiya wadanka maraykanka uu Dawladda maraykanka ka codsaday in loo soo diro ciidamada amaanka si uu u bad baadiyo Nolasha Cabdi Iley oo hada lagu horsugayo afaafka hore ee safaaradda si halkaasi loogu gacan qaado waxaana uu safiitka u sheegay Cabdi Iley in uu booqashadiisa soo gaabiyo wadankana Deg deg uu uga baxo maadaama uu amaankiisa halis kujiro taas oo niyad jab xoogan ku keentay Cabdi Iley iyo kooxdiisa.

Isku soo wada duuboo xaalada amaan ee madaxwayne Cabdi Iley ayaa halis ku jirta kadib markii ay hal dhinac uga soo wada jeedsadeen Guud ahaanba Jaaliyada DDSI ee qurbaha ku dhaqan isaga oo la ilaa hada hal qof oo soo dhawayn iska daaye soo booqdo waxaana jaaliyadaha U dhashay DDSI ee ku dhaqan waqooyiga amerika ay muujiyeen go aan Geesinima leh oo taariikhda u galay kaas oo farax galiyay guud ahaanba shacaba waynaha Deegaanka oo maanta aad ugu faraxsan Guusha ay soo hoyisay qurba joogta Deegaanka oo iyaga lasaftau shacankooda kana soo horjeedsaday dhiigyacab Cabdi Iley.

Degankasi.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*