CABDI ILEY OO MAANTA C.CAZIZ NEED KA ERYAY XARUNTA DHEXE XDSHSI IYO KHILAAFKII OO CIRKA ISKU SII SHAREERAY.

Waxaa maal mihii u dambeeyay magaaladda jigjiga ka taagnaa xaalad adag kadib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay xubnaha Gudigga fulinta ee XDSHSI kaas oo laba garab u kala jabay maal mihii u dambeeyayna isu mindiya lisanayay.

 

Hadaba Cabdi Iley oo dagaalka aaminsanaa in garabka kasoo horjeedo uu horboodayay Cabdicasiis Need madaxii xarunta dhexe ee XDSHSI ayaa maanta xilkaasi ka eryay kadib markii uu ogaaday in uu saamayn badani keeni karo isaga oo taas badalkeedana geeyay xafiiska xoolaha iyo beeraha oo ah xafiis iska cusub lagana jaray xafiiska beeraha, mana ahan xafiiskan mid miisaaniyad loohayo wakhti xaadirkan.

 

Xubnaha kasoo horjeedo Cabdi Iley ee gudigga fulinta oo tira ahaan gaadhayo 9xubnood ayaa ku hanjabaya in ay cabdi Iley eryi doonaan marka ugu horeyso ee qabsoomo fadhiga ugu horeeyo ee gudigga fulinta waxaana taas badalkeeda uu cabdi Iley bilaabay in uu mid mid u siibo sida maanta kudhacday Cabdicasiis Need.

 

Talaabadda uu maanta Cabdi Iley ka qaaday Cabdicasiis Need oo ahaa gacanta midig ee Cabdi Iley  ayaa muujinaysa khilaafka labada dhinac u dhexeeyo heerka uu gaadhsiisanyahay, waxaana galabta shir deg deg isugu yimid xubnaha 9ka ah ee kasoo horjeedo Cabdi Iley iyagga oo ka arinsanayo wixii ay ka yeeli lahaayeen talaabada uu Cabdi Iley ka qaaday saaxiibkood Cabdicasiis Need.

 

Xaaladan ayaa kadhigayso mid bolow ah balse aan dhamaad ahayn  lamana oga halka ay ku biya shuban doonto walow ay dadka siyaasadda degaanka  lafa guro ay sheegayaan in ay tahay howshani midii uu Cabdi Iley ku bixi lahaa maadaama tira ahaana laga badan yahay xubnaha kasoo horjeedo uuna horboodayo Gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka Golaha baarlamaanka ee DDSI.

 

Hadal haynta ugu badan ee magaaladda jigjiga iyo guud ahaan deegaanka aadka looga hadal hayo ayaa ah khilaafka xubnaha gudiga fulinta iyo talaabadda uu Cabdi Iley ka qaaday Cabdicasiis Need oo ahaa shakhsigii ay isugu dhawaayeen 5tii sano ee u dambaysay.

 

Degankasi.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*