MAXAY TAHAY U JEEDADA UU CABDI ILEY BARTILMAAMEEDKA UGA DHIGTAY MADAXWAYNE KU XIGEENKII HORE EE DDSI CABDULAAHI ITOOBIYA.

Cabdi Iley ayaa dadaal badan galiyay in uu mar un xabsigga dhigo madaxwayne kuxigeenkii hore ee DDSI Mudane C.laahi Yuusuf Weerar(c.laahi Itoobiya) si uu ugu saariyo dambiyo badan oo uu Cabdi Iley Galey kuwaas oo u badnaa xasuuq shacab.

Hadaba u jeedada uu Cabdi Iley xooga u saaray in uu soo afduubto Cabdulaahi Itoobiya ayaa ah in uu isagga dusha kasaaro dambiyada loo haysto waa cabdi Iley ee.

Dawladda dhexe ayaa cabdi Iley kusoo ogtay in uu xasuuq shacab ka gaystay qayba kamid ah deegaanka sida soomaalida sida Galaalshe,Gaashaamo,xarshin qalaafo iyo Mustaxiil wuxuuna Cabdi Iley dadaal dheer u galay in eedaha loo haysto uu dhamaanba dusha u saaro Madaxwayne kuxigenkii hore ee DDSI Cabdi Itoobiya.

Dawladda dhexe oo iyada ah mida gacanta kuhayso kiiska xasuuqa ah ee Cabdi Iley shacabka ku xasuuqay ayaa iyadda marnaba aan yeeli dooni in kiiskaasi loo saariyo cid aan shaqo ku lahayn.

Siwalbooy ahaataba Cabdi Iley ayaa inta badan wakhtigiisa galiya sheekooyin raqiis ah oo aan u soconaynin taas oo ugu dambayna isagga dib ugu soolaabato maadaama ficilada uu ku dhaqmayo ay yihiin kuwa ka baxsan anshaxa iyo sharcigga dalka iyo deegaankuba u yaalo.

Degankasi.com


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*