DAWLADDA JABUUTI OO MADAXWAYNE KUXIGEENKII HORE EE DDSI MUDANE C.LAAHI YUUSUF WEERAR U GACAN GALISAY CABDI ILEY.

Dawaladda tabarta yar ee Djabuuti ayaa Cabdi Iley u soo gacan galisay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee DDSI Mudane C.laahi Yuusuf Weerar oo todobaadyadii u dambeeyayba ku sugnaa magaaladda Jabuuti ee Xarunta Dalka Jabuuti.

 

Koox katirsan Police-ka dalka Jabuuti ayaa ugu horayntii Gacanta ku dhiggay Mudane Weerar iyagga oo ugu dambayntiina keenay xadka uu Deegaanka lawadaago Dalka Jabuuti halkaas oo gacanta loogaliyay koox uu halkaasi kusii diyaariyay Cabdi Iley.

 

Madaxwayne kuxigeenkii hore ee DDSI Cabdulaahi Yuusuf Weerar ayaa kamid ah ahaa kooxda isbadal doonka ee xarunta ka dhigtay magaaladda addis ababa kuwaas oo dadaal xoogan ugu jira sidii taladda Deegaanka u weedaarin lahaayeen kaligii taliyaha fashilmay ee Cabdi Iley.

 

Ilaa hadda kama aysan hadal dawladda Dhexe qabashada Cabdulaahi Yuusuf Weerar walow ay warar madax banaan sheegayaan in aysan dawladda dhexe waxba kala socon qaabka uu falkaasi u dhacay.

 

Cabdi Iley ayaa sanadkii u dambeeyayba baadi goob xoogan ugu jiray sidii uu gacanta ugu soo dhigi lahaa Cabdulaahi Itoobiya oo u jeedada ugu wayn ee u baadi goobayo ay ahayd sidii uu ugu xisaab xidhi lahaa xasuuqyo ba’aan oo Cabdi Iley gaystay balse uu rabo in uu hadda ku kaarto baxo Cabd Iley.

 

Degankasi.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*