CABDI ILEY OO XABSIGA DHIGAY SARAAKIIL KAMID AH CIIDAMADA LIYUU POLICE-KA.

Cabdi Iley ayaa maalmihii u dambeeyay magaalada jigjiga kawaday shir uu ugu yeedhay qiimayn kaas oo uu u hayay Ciidamada liyuu  Police-ka, u jeedada qiimayntan ayaa ahayd in uu Cabdi Iley xabsiga dhigo shakhsiyaad uu aaminsanyahay in ay ka dhiidhiyeen dhibaatada shacabka lagu hayo ama ka dhaga adeegay in ay fulayaan falal shacabka lagu dhibaataynayay.

 

Halka wararka kalana ay sheegayaan in ragga la xidh xidhay oo u badan shaalaqayaal loogu boos baneeyay xubno jifadiisa hoose ah si boosaska xubnahani laga xidh xidhay loogu dalacsiiyo.

 

Shaalaqayaasha laxidh xidhay oo gaadhayo ilaa toban shaalaqe ayaa waxaa kamid ah C.kariin oo horay u soo qabtay xilal kala duwan iyo kornayl C.xakiin oo isagana ka howlgali jiray gooba badan oo Deegaanka kamid ah.

 

Cabdi Iley ayaa inta badan saraakiisha ciidamada liyuu Police ka kusoo koobo jifadiisa hoose isagga oo saraakiisha beelaha kalana xidh xidho.

 

Degankasi.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*