SHACABKA DDSI KU DHAQAN OO KA CABANAYA SIXIR BARAR DHANKA MACIISHADA AH OO NOLOSHOODA SAAMAYN KU YEESHAY.

Shacabka Deegaanka ayaa aad uga qaylyay sixir barar xoogan oo dhanka maciishadda ah gaar ah raashinka sida Bariiska,Burka,sonkorta, saliida iyo maciishada kale ee quutal daruurigga ah.

 

Sixir bararka ugu wayn ayaa ah mid ku habsaday degmooyinka fog fog ee deegaanka taas oo ay shacabka aad uga cabanayaan, halka degmooyinka qaarna gaba ahaan aan wax raashin ah lagaynin.

 

Sababaha ugu wayn ee keenay sixir bararkan ayaa lagu sheegay in laga joojiyay sanad kahor shirkadihii raashinka Deegaanka keeni jiray taa badalkeedana lagu wareejiyay Khadar Iley oo aan awood u lahayn in uu guud ahaanba uu qabto shaqadii ay shirkadahaasi shacabka u qaban jireen.

 

Cabashadan shacabka kasoo yeedhayso ayaa ahayd mid taagnayd sanadkii u dambeeyay balse shacabka ayaa hadda afka furtay kadib markii laga hor istaagay maciishadii ay ku noolaayeen.

 

Siwalbooy ahaataba shacabka deegaanka oo markii horaba ladaalaa dhacay Dil,Xabsi,boob hanti,jidh dil,iyo dhibaatooyin kale ayaa hadana ugu darsantahay sixir barar saamayn ku yeeshay noloshooda waxayna qayb ka tahay musiibooyinka shacabka deegaanka ku habsaday sanadihii u dambeeyay.

 

Degankasi.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*