MASHAARIICDA DDSI OO NOQDAY KUWA LOO AFDUUMAY JIFADA HOOSE EE CABDI ILEY OO KALIYA.

Cabdi iley ayaaa dhamaanba mashaariicdii deegaanka u gacan galiyay jifadiisa hoose isagga oo xafiis walba oo deegaanka ah ku amray in aysan qandaraasyada u bixin karin si madax banaan balse qandaraaska lasiin karo cidii uu isagga waraaq u soo qoro oo kaliya.

 

Arinkan oo deegaanka kasoo jiray sanadihii u dambeeyay ayaad moodaa in hadda lasii dar dar galiyay kadib markii mashaariicdii oo dhan ay noqotay kuwa ay qaateen jifadiisa hoose oo kaliya.

 

Ganacsatadii Deegaanka u dhalatay ayaa gabi ahaanba saaxada laga saaray iyada oo taa badalkeeda lagu badalay shakhsiyaad aan sharci ay qandaraaska ku qaataan aan lahayn balse buuxiyay shuruuda koobaad ee lagga rabo taas oo ah in ay ilma adeer yihiin Cabdi Iley oo kaliya.

 

Arinkan ayaad moodaa in bilihii u dambeeyay si cusub loosii dhiiri galiyay taas oo ay kacabanayaan madax xafiiseedyadda qaar oo ku andacoonayo in lagu khasbayo in ay qandaraaska siiyaan dad aan wax sharci ah wadanin.

 

Isku soo wada duuboo guud ahaanba mashaariicdii Deegaanka ayaa noqday kuwa guul daraystay kadib markii aan lafulinin lacagahoodiina lagala baxay qasnadda dawladda taas oo ku tusinayso musuqa deegaanka kataagan in uusan ahayn mid aan lala kala gabanaynin.

 

Waxaase makhraati ma doonta ah in lala xisaabtami doono cidkasta oo ku takri fasha hantida shacabka lana maxkamadayndooni xili ay ahaataba.

 

Degankasi.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*