images

AXMED MAX’ED SHUGRI OO HOWLGAB LAGA DHIGAY WAFDIYO UU RAACI LAHAANA LAGA HOR ISTAAGAY.

Cabdi Iley ayaa howlgab kadhigay saaxiibkiisii hore ee garabka  siyaasada Axmed Maxamed Shugri oo horay garab u siiyay markii siyaasadiisa guracan ay ka hor imaadeen xubna gudigga fulinta ka tirsanaa.

 

Axmed Maxamed Shugri oo ah maareeyaha wakaalida Dakhligga DDSI ayaa khilaaf xoogan ugu horayntii dhex maray ku xigeenkiisa Yaasiin Dheere taas oo Cabdi Ileyna uu lasaftay Yaasiin dheere oo ay jifa hoose isla yihiin.

 

Axmed Maxamed Shugri ayaa ugu horayntii lawiiqay awoodiisii xafiiska Dakhligga iyada oo ugu dambayntiina laga dhex saaray saaxadda siyaasada ee DDSI.

 

Cabdicasiis Need oo uu sodog u yahay yaasiin dheere ayaa lasheegayaa in uu dagaalka Axmed Maxamed Shugri qayb ka noqday isagga oo ugu dambayntii la dhaadhacay Axmed Maxamed Shugri.

 

Si walbooy ahaataba Axmed Maxamed Shugri ayaan hadda waxba dhaamin qof xabsi guri ah marka aad aragto sida loola dhaqmay iyo halka ay maanta xaaladiisa marayso isagga oo isku dayay in uu qayb ka noqdo socdaalo uu cabdi iley Gobaladda qaar ku soomarahayay hasa ahaatee lagga hor istaagay.

 

Sidoo kale Axmed Maxamed Shugri ayaa isku dayay in uu hogaamiyo wafdi ka socday DDSI oo hargaysa tagayay hasa ahaatee khadar dheere ayaa booskaasi ka durkistay taasna waxaa ay keentay in Axmed Maxamed Shugri uu si hore gurogiisa isugu dhex duu duubo.

 

Arintan ayaa daliil u ah cidkasta oo hor orodo dhibaatadda uu Cabdi Iley shacabka ku hayo halka uu ku dambayn doono isagga oo hada kahor xabsigga dhigay qaar kamid dadkii ugu dha dhawaa.

 

Degankasi.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*