afduub

SHIRQOOL LA DOONAYEY IN LAGU SOO AFDUUBO XUBNO MUCAARADKA DDSI EE KUSUGAN ADDIS ABABA OO FASHIL KU DHAMAADAY

ADDIS ABABA – Qorshe oo hormuud ka ahaa komishin ku-xigeenka booliska Ismaamulka Soomaalida oo la doonayey in xubno mucaaridka ah ee ku sugan Addis Ababa lagu soo afduubo ayaa fashil ku dhamaaday

 

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay booliska xukuumada federaalka ah ayaa maalmo ka hor fashiliyey afduub lala maagana Cabdiraxman Sh Maxamad Bulxan(Gurey) oo horey u ahaan jirey wasiirka ganacsiga ee xukumaada federaalka ah iyo xubin gudiga fulinta ee kililka iyo Hure Cabdi Adar oo ahaa madaxii xafiiska ka hortga  AIDS-ka ee DDSI.Shirqoolkan oo laga soo maleegay Jigjiga ayaan loo marin wadiiqooyinka sharciga ah taas oo keentay in uu fashilmo.

 

Labadan xubin ee mucaaradka ah ayaa saacado yar su’aalo lagu weydiiyey mid ka mid ah saldhigyada booliska ee Addis kadibna xoriyadoodi loo soo celiyey markii la ogaaday in si sharci daro ah loo soo qabtay.Komishineer ku-xigeenka booliska DDSI oo kaashanaya xubno booliska Addis ah oo aan xog badan haynin ayaa isku dayey afduubka dhicisoobay.Siyaasiyiin iyo shaqaale dawladeed oo kumaakum gaadhaya ayaa ku sugan magalooyinka Dirdhabe iyo Addis Ababa si ay u magangalan dawlada dhaxe.

 

Dadkan ayuu dhamaan saameeyey khilaafkii siyasadeed ee kal hore soo kala dhaxgalay gudiga fulinta ee xisbiga u arrimiya kililka.Xukuumada madaxweyne Cabdi Cumar ayaa weli la tacaaleysa sidii ay u maareyn lahayd dhibaatadii ka dhalatay khilaafkaas iyada oo xeelado badan adeegsaneysa.

 

Waxaa xusid mudan, in hadda ka hor shirqoolo laga soo maleegey Jigjiga lagu afduubay Ismaacii Buurgabo oo ahaa wariye u shaqeeya ESTV, C/qadir Dahir Sulub oo ahaa gudomiyihii hore ee degmada Sheygoosh iyo C/fatax Mataan (Xaaji) oo ahaa hogaankii nabadgalyada ee maamulka magaalada Jigjiga.

 

Xubnahan ayaa dhamaan lagu tuhmay in ay ka aragti duwan yihiin madaxweynaha DDSI iyo taageerayaashiisa.Maamulka Kililka ayaa xiliyada qaarkood xubno hubaysan u dira Addis Ababa si ay u soo afduubo kooxaha mucaaradka ku ah oo gabaad ka dhigtay halkaas.Dadweyne badan ayaa ilaa imika isweydiinaya intee in la eg ayey socon karaan qorshyaasha aan xeerka waafaqsaneyn ee laga soo maleegayo Jigjiga.

 

Dhanka kale, magaalada Dhagaxbuur ayaa lagu xidhxidhay masuul sare oo horey maamulka DDSI uga tirsanaa iyo shaqaale dawladeed iyada oo si degdeg ah loo xukumay.

 

Xadhiga dadka ayaa lala xidhiidhiyey shirar ay si joogto ah u qabteen madax DDSI iyo maamulka Dhagaxbuur ka socda oo ay la yeesheen xubno shacabka Dhagaxbuur ah.Kulamadan oo lagu bartilmaamsaday shakhsiyaad iyo beelo gaar ah ayaa dadka laga codsaday in ay iska qabtaan shakhsiyaadkaas iyo beelahaas.

 

Qaar ka mid ah dadka shirarka ka qaybgalay ayaa gebi ahaanba fahmi waayey waxaa laga hadlayo iyaga oo u muuqday dad ku jahawereeray warka Jigjiga looga soo dhoofiyey.Madaxweyne Cabdi Cumar ayaan marka hore dadweynaha kala tashan cidda uu madaxda ka dhigayo ama xidhiidhka la yeelanayo, hasayeeshe markii ay is khilaafan ayuu shacabka ku cabudhiyaa hebel ama reer hebeel iska qabta arrintaas oo fajac ku noqota bulshadaIlaha aan ka helnay wararka afduubka dhicisoobay ayaa noo xaqiijiyey in ay weli su’aalo ku socdaan kooxdii Jigjga laga soo direy.

 

source:somalistate.com

One comment

  1. Wabsidka, deegaan.waxaan marmar waxaa wax ,ku soo qora carruur yar yar oo aan wali qaan gaadhin,warmarka aad war kaas oo kale,qoraysaan sow ma ogidin in bulshada ay ka buuxaan dad badan oo wax garad ah,oo xog ogaal ah,adeer cidna lama xidhi karo,lama afduubi karo,lamana dili karo iyadoon dawladda dhexe Ogeyn,bulshadana yaan baahinin wararka noocaas ah.iyo kuwa Rajada ah,ee Sheega in Ayna dawladda dhexe raalli ka ahayn dhibta shacabka haysata.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*