Hadii Qasrigi Cabdullahi Ethiopia Clinic Laga Dhigay, Garanay, Laakiin Qasiryada Cabdi Iley, Kuwa Yassin Dheere, Kuwa Ilama Labago’le, Nasrudiin iyo Khadar Dheere Maxaa Laga Dhigi Doonaa?

Cabdi Qaawane ayaa maalin dhawayd oo uu ESTV u waramayey waxuu dadka waydiiyey su’aal ahayd;Nin Shaqaale dowladeed ah oo mushaharka uu qaato layaqaan sidee buu guri Qasri ah ku dhisan karaa? Jawaabtu way cadahay, oo waa ma dhisan karo, hadii uusan xoolaha dadwaynaha xadin.

 

Hadaba, aan is waydiine, Cabdi Qaawane markuu su’aashaas dadka waydiinayey, yuu ka hadlayey, dhamaan dadka dowlada u shaqeeya, haday Reer Cali Yusuf yihiin iyo hadii kaleba, mise waxuu ka hadlayey dad gooni ah oo isagu uu muraad ka leeyahay sida Cabdillahi Ehiopia?Waxaan ilaa shalay iyo manta website-yada iyo Facebook-yada Cabdi Qaawane lagu soo qorayey in gurigii Cabdillahi Ethiopia lalawareegay oo laga dhigay Clinic.

 

Habda su’aasu waxay tahay ma Cabdullahi Ethiopia kaligii baa mushahar qaadan jirey?Su’aasha kalena waxaa weeye, Cabdi Qaawane, Yaasin Dheere, Khadar Dheere, Ilama Labago’le iyo Nasrudiin Canab iyagu mushahar ma qaataan miyaa? Tolow kuwani iyagu ma ganacsato miyaa? Mise Aabayaashood baa milyaneera oo lacagaha ay qasriyada ku dhisteen siiyey?Mar hadii uu Qaawane yidhi nin mushar qaataa guri ma dhisan karo, oo maba awoodo, waa arin saxa, laakiin miyuusan is waydiinin, isagu gurigia uu Addis ka dhistay ee shanta Million ah xaguu ka keeney lacagtaas? sow mushar ma qaato?Yaasin Dheere todobada guri ee uu Jijiga ka dhistay xaguu ka keeney, sow mushar ma qaato?Khadar Dheer guriga qasriga ee uu dhistay xageebuu lacagta ka keeney, sow mushahar ma qaato? Sidaas oo kale waxay su’aashaasi ku dultaalaa raga kale een kor ku xusnay.

 

Hadaba Qaawanow ma waxaa kula quman, in guriga Cabdullahi Ethiopiana uu clinic noqdo, idinka kuwiina ay ay guryo caadi ah noqdaan?Soo ma ogid, markaad intaad TV soo fadhiisato aad tidhaado, nin mushahar qaataa, xaguu ka keeney lacagta uu qasri ku dhisanayaa, inay shacabku is waydiin doonaan, adiga kuwaaga iyo kuwa qaraabadaad?Waxaa aad u fiicnayd inaad arintan soo hadal qaadin, oo xitaa guriga Cabdillahi aadan ka hadlin iskuna taabanin, hadii kale waxaad shacabka shanta million ah, xusuusinaysaan xoolahaad ka dhacdeen iyo 50 qasri ee Reer Cali Yuusuf ay Jijiga ka dhisteen. Waxay ahayd inaad is gaabisaan oo dadka aydaan is xusuusinin—hase ahaatee kii Caqli ahaa ee intaas garan lahaa meeyey?

 

Source.firimbi.net

 

3 comments

  1. Su,aashaa tolow yaa ku habboon in la waydiiyo?waxay ila tahay waa arrin u taala dawladda dhexe ee dalka xukunta ,mana filayo ,in cidina ogaan karto,ama saa daa lin karto,

  2. Ilaahayow nagaransii in aanu hello talo midnimo somaaliyeed oo wax la qaybsata qoomiyadaha badan ee reer itobiya si caddaaladi ku jirto.

  3. Asc..bahda degaanka.com salaan kadib..
    horta waa sidaa aad hadalka udhigteen e QAAWANE wuxuu xarun caafimaad kadhigay gurigii claahi yuusuf oo kuyaalay sh.nur ciise gaar ahaan xaafada loo yaqaano dude hide runti waana guri aad uweyn…

    horta claahi yusuf wuxuu kamid ahaa shaqsiyaadka sida aadka ah ugu gargaara cabdi iley.. haba sameeyo oo bani aadamku wuu xad gudbaa wuuna tawbad keenaa.. claahi yusuf arinkii wuu ka tawbad keenay oo wuxuu noqday mid ukacay shacabkaa dulman runti waana lagu wada farxay balse sideey wa udheceen..

    wuxuu noqday shaqsigii dhabar jabinta ugu weyn ugeystay G7 hadana haba sameeyo oo sidaan horeyba niigu sheegay bani aadamku xad gudub lagama waayo balse walaahi claahi yuusuf mar uu ka hadlayay saaxiibadiisii ay isla halgamayeen isagoo weliba daalimkan QAAWANE iska dhaadhicinaya runti waan jidhidhicooday….koley faahfaahin dheeriyana kabixin maayo waayo claahi yuusuf waxaa kadaran qaawane

    xadiiskii nabigu scw uu kuyidhi “qofkii daalim ugargaara isna ilaahay iyaguu ku salidaa” waa sidan oo kale.
    claahi yusufna wuxuu kamid yahay shaqsiyaadkaa daalimkan QAAWANE ugargaari jiray oo ALLAH na isagii ku saliday…. ufiirso aaway craxmaan bootan… aaway jacfar..

    arinkaa claahi yusuf hadaan halkaa kaga boxo.. QAAWANE iyo jifadiisa hoose magaalada iigjiga waxay kuleeyihiin qasriyo badan kan ugu yarna ay kubaxday 10million birr midwalba iyo halkuu kuyaalana waala yaqaanaa sababta uu QASRIGAA claahi yusuf clinic uga dhigayna waa awood sheegasho iyo anigaa wadanka kataliya cid wax iga qaadi kartana majirto… runti waana dabeecadaha lagu yaqaano bani aadamka markuu xoolo helo in uu kibro… QAAWANOW dhulalkan aad jifadaada kuwareejisay koley iyo koleyba xaaladu sidan ma’ahaan doonto oo waa leys ka daba iman e maad kadeysid.
    ninyahaw kibirkaada iyo awood sheegashadaaduna xad dhaaf ayey noqdeen e war hooy sidan kadaa… war xaaladu sidan ma’ahaan doontee kadaa..

    waxaan hadalkeyga kusoo koobi aayada quraanka uu ALLAH sw kuleeyahay “walaa tusacir qadaka linaasi walaa tamshi fil ardi maraxaa inalaaha laayuxibu kulu mukhtaalin fakhuur”

    (dadkana haquudhsanina oo dhabankana ha ujeedinina dhulkana si isqaadqaad ah ha ugu soconina ALLE majecla qof kibir badan oo hadana faan badan).

    mida kale war ninyahow koley abwaan ALPHA hadhkiisa xitaa gaadhi meysaane inta aad leedahay waan la xifaaltami oo gabay baan tirin afsoomaaliga meel hakaga dhicina..faransiiskan iyo boortiqiiskan aad cobalenews kusoo qoreysaana iska daaya
    * * * * * *

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*