XILKA MADAXWAYNANIMO EE CABDI ILEY OO SHAKI BADAN LAGALINAYO.

waxaa shaki badan lagalinyaa xilka madaxwaynanimo ee Cabdi Iley kadib markii mudo kabadan todobaad lawaayay meel uu jaan iyo cidhib dhiggay.

 

wararka qaar ayaa sheegaya in Cabdi Iley ku sugan yahay magaaladda Addis ababa laguna amray in uusan ka dhexbixi  karin magaaladaasi inta laga siinayo go’aan ah in laga soo wareejiyay DDSI shaqana looga dhiibi doono dawladda dhexe.

 

warar kale ayaa iyagana sheegaya in Cabdi Iley lagu war galiyay in laga dhigayo wasiir ku xigeen federaalka ah inta kahoraysana uusan dib ugu laaban karin magaaladda jigjiga.

 

arintan ah in Cabdi Iley Gabi ahaanba sidaa deegaanka uga caga laabtay ayay dadka ku sababeynayaan dhowr arimood waa tan koobaade ma jiro ilaa hadda meel uu sheegtay Cabdi Iley in uu shaqo ugu maqanyahay, waa tan labaade Cabdi Iley ayaa talaabo kasta oo uu qaadayo kusoo qori jiray Cakaaranews iyo Barta uu Facebooka ku leeyahay waxaana laga waayay labaduba inkabadan todobo cisho wuxuuna arinkaasi sii xoojinayaa in Cabdi Iley gabi ahaanba ka shareecday Deegaanka.

 

Maalintii xuska calanka oo aayna dadbadani ka warqabin in Cabdi Iley deegaanka ka maqan yahay ayaa waxaa dadkii Goobta isugu yimid lahadashay Marwo Sucaad Axmed Faarx oo iyada sheegatay in xilka looga sii tagay hasa ahaatee ma aysan soohadal qaadin in madaxwaynihii Deegaanka shaqo ku maqan yahay waana wax yaabaha calaamad su’aalka keenay.

 

Siwalbooy ahaataba xaaladda deegaanka ayaa todobaadkani ah midii ugu xumayd ee soomarto kadib markii uu muran xoogan ka dhashay cid rasmigga ah ee wakhti xaadirkan Deegaanka madaxwaynaha  ka ah wakhti xaadirkan.

 

Goobaha Shaaha lagu Cabo ee Magaaladda jigjiga iyo magaalooyinka kale ee deegaanka ayaa aad la isula dhex marayaa in Cabdi Iley warqadiisii wasiir ku xigeen lasiiyay saasna uga dhamaatay deegaanka hasa ahaatee ilaa hadda ma xaqiijin karno in uu warqadiisii magacaabista uu Gudoomay.

 

 

 

lama ogo halka ay ku dambayn doonto xaaladda jaha wareerka ah ee ah deegaanka ka taagan iyo sida uu xaal noqon doono iyadda oo lagu wada dhowrka maal mood ee fooda nagu soohayo in lagu kala bixi doono.

 

degaanka.com

4 comments

  1. Asc Wiillow Adeer dawladda itoobiya way ogtahay waxa deegaanka ka jira .nin ay Gacag ku dhiigle u Arag tana ,w/ku xigeen karma dhigateen ,meeshuu,joogana way ogtahay,11 madax Wayne,oo ka horeeyay waxaa lagu Wada xidhay oo lagu ee dee yay xatooyo xoolo dadweyne,mid qudhana Waa la waa yay wax Sharci ah oo max ka mad lagu geeyo ujeedanuna Kaliya waxa Ahayd in xilka laga qaado.adigoo qiraya xaqiiqada jirtana og,dambiile,lama dalacsiiyo.golaha wasiiradu wa meesha dalka loga taliyo .ha la milic sado taariikhda.waxna ha laga bar to.

  2. Asc..bahda degaanka.com salaan kadib..
    waa sidaa aad hadalka udhigteen e cabdi iley beryahan dambe shanqadhiisu aad ayey uyaraatay sababta shanqadh yaridan keentayna waxaa sidoo kale faahfaahin dheeraada kabixiyay eng..gabalaax (ilaahay janatul firdawsa haka waraabiyo maamulaasha degaanka iyo firimbi iyo cidwalba oo bulshadaa dhiban ugargaarta).

    waxaa dhici jirtay hada kahor qaawane marka uu safar ukici in uu horey usii baafiyo meesha uu ukicitami iyo sababta uu ubixi intuba balse doorkan atooruhu waxbaa kasi ah qudhun wadayaashiisii iyo faceboogii xitaa socdaalkiisan wey ka gaabsadeen kkkk caawa mar aan cakaara akhrinayay wuxuu yidhi

    “wuxuu shir wax barasho kasocdaa magaalada maqale waxaana kasoo qeyb galay khabiiro iyo macalimiin”

    ujeedada uu wararkan oo kale usoo dhigina waa in uu bulshada kubeero dareen ah qaawane in uu shirarkaa maqale kumashquulsanyahan ileyn magiciisa haduu sheego oo yidhaahdo cabdi ileyna wuu joogay wuxuu garan tooshashkiina iftiinkooda iyo in gabay cusub loo tiriyo

    MAHAD sxb wa runtaa hadalkaa aad sheegtay dawlada dhexe waxwalba wey ogtahay balse waxaa kale oo laxaqiijinayaa w/kuxigeenimadu taan naqiinay ineysan ahayn oo shabag qaawane loo dhigi yahay isaga qudhiisuna uu garan ujeedada laga leeyahay in ay tahay in marka hore dadkiisii la ilowsiiyo kadibna inta fiishta lagala boxo dunuubtii uu shacabka ka galay lamarsiiyo sxb arinkan oo kalana hada kahor rag badan ayey qabsatay balse duruufo jira awgood iyo cabsi aan kaqabo ninkan cadawgeyga ah inuu xogo dheeri ah helo arimaha qaar waan kasoo gaabsan oo halkan kusheegi maayo.

    ALLAH sw cadaaladiisa waxaa kamid ah marka uu adoomadiisa aduunka dhexdeeda ugu kala qisaasi in qofwaliba dambigii uu galay mid lamid ah isagana aduunyada kula kulmi doono… waxaan kawadaa tusaale ahaan QAAWANE hada kahor wuxuu sameyn jiray in uu dadka ceebtooda khashifo markaasuu isna ALLE kusaliday wax ceebtiisa iyo sirtiisoo dhan dibada usoo saara oo meel walba uu tagaba tooshash ladaba taagan

    waxaynu wada ogsoonahay QAAWANE hada kahor in uu dadka masaakiinta ah iska feedh-feedhi jiray; markaasuu isna ALLE kusaliday rag feedha oo xitaa istaafkii lasocdayna waxba utari waayeen.

    waxaa dhacday marar badan QAAWANE inta uu shaqaalaha boosas qaali ah umagacaabo kadibna intay aad ugu farxaan booskaa qaaliga ah ee loo magacaabay markey mudo kooban kashaqeeyeena intuu dambiyo aysan lahayn dusha kasaaray aakhirkii sidii ku khaarijiyay hadaba magacaabistan QAAWANE loo magacaabi doono w/kuxigeenimada iyana miyeysan kamid ahayn nasrigii rabi oo markey dadka qaar kufarxaan oo uu mudo kooban xilka hayana maxkamad lahorkeeno maxaase xigi doona.???
    * * * * * *

  3. Nabigeenu wuxuu yidhi,MMan acaana daaliman .wahuwa ,yac lamu annahu,daalim,sala daha allaahu calayhi.macnaha xadiisku,waxaa weeye, ruuxii ,ruux Muslim ah ,dhibkiisa u gar gaar sada gaal,ilaahay isagana gaalkii buu ku Sali dayaa.

  4. Asc..marka hore waxaan kaxumahay inaan durba kusoo jawaabi waayo… xadiiskaana waa sidaa aad usheegtay qofkii nin muslim ah uga hiiliya nin gaal ah isagaa lagu salidi bal e ruwaayadaha qaar waxay leeyihiin “fahuwa minhu” iyaguu kamid noqon.
    mahadow marka 1aad xadiiskaasi waa saxeex balse suaasha isweyriinta leh baa ah yaa laga hiiliyay yaase loo hiiliyay? ?????
    inkastooy sheekadu gaal iyo muslim taagneyn oo laga hadlayay qaabkii kaligii taliye cabdi iley meeja loo dhaafin lahaa hadana ALLE sw wuxuu aayad quraan ah kuleeyahay
    “hadii ay gaaladu ni nabad galiyaan idinkana nabad galiya”waligaaba waxaad ogaataa ninka gaalka inuu xuquuq kugu leeyahay inagoo maanta muslimiin sheeganeyna ineynu kahadli weyno dhibaatadaa iyo cadaabkaa lagu hayo dadkaa muslimiinta ah ee jeel ogaadeen gaajada loogu leyn waa wax aad looga xumaado.

    nabigeena muxamed scw markey naftu kasii baxaysay kalaamkiisii (hadaladii) ugu dambeeyay wuxuu lahaa “asalaah asalaah wamaa malakat aymaanukum” (war salaada salaada iyo waxa ay gacantiinu hanato)
    salaadana halagu dadaalo waxa ay gacantiinu hanatayna haloo naxariisto…

    ninka madaxda waa inuu unaxariisto dadkaa uu madaxda uyahay waayo gacantiisii ayaa hanatay oo mulkigii gacanta loo galiyay….ninka askariga ahna waa in uu unaxariisto dadkaa maxabiista ah waayo gacantiisii ayaa hanatay waalidkuna waa inuu awlaadiisa unaxiirto isku soo wada duuboo ninba ninka uu ka awood badanyahay waa in uu unaxariisto..

    islaam micnehaadu waa nabad.. qofka nabad galyada kashaqeeya ee ALLAH kaliya isku xidhana waxaa layidhaahdaa “muslim” isku soo wada duuboo hadeynu muslimiin nahay mahaboona ineynu kumashquulno isku dirka gaalada iyo kuslimiinta bal e waa ineynu ku dadaalnaa qaabkii aan iskugu soo dhaweyn lahayn oo aan wax ufahansiin lahayn waayo raga loo baahanyahay iney gaalada wax fahansiiyaan waa inaga

    waxaan marka 1aad 2aad 3aad ugu baaqayaa cabdi iley inuu diinta islaamka kusoo noqdo waayo diinteenu maogola in qof muslim ah gaajo darteed nafta looga gooyo.

    FG… waxaan cafis weydiisanayaa reysul wasaare kuxigeenka dalka”demeqe mokonin” ninkaasi hada kahor ayaan ku xad gudbay e ninkaasi cafis haleyga gaadhsiiyo waayo muslimiintu waa iney is cafiyaan magiciisa umbaan ka yara booday e sxb iska key cafi
    * * * * * *

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*