habaarkaqaawane

CABDI ILEY MIYUU CABSANAA AMA WAA UU MIYIR QABAY MARKII UU GALABTA CAKAARA QORAYAY??!!! “FALAADHI GIL GILASHO KAAGAMA HADHO”

Cabdi Iley ayaa maanta kusoo daabacay warbaahintiisa qudhun wada ee Cakaara in lamagacaabay sadex wasiir kuxigeen oo deegaanka u dhashay hasa ahaatee warkaas ayaa ah mid aan sal iyo raad toona  lahayn kadib markii aan baadhitaan dheer ku samaynay, u jeedada rasmiga ah ee uu arintani kaleeyahayna ay tahay sidii uu u jaha wareerin lahaa shacabka Deegaanka ee isha ku haya ku dhawaaqidda wasiir ku xigeenada oo lagu wado in uu kasoo dhex muuqdo Cabdi Iley.

 

hadaba waa su’aale wasiir ku xigeenada Federaalka ma Jigjiga ayaa laga magacaabaa? waa su’aasha labaade ma cabdi Iley ayaa magacaabo oo isagga kaliya ayaa ogaado oo dawladda federaalka kama ay warhaysaba miyaa?  wasiir ku xigeenada federaalkase ma sadexdaas ku xigeen ee isagga uu soo qoraa ama kuwa kale ayaa jira?  kuwa kalase haday jiraan muxuu u soo qori waayay hadii uu isagga magacaabo? dhamaan su’aalahaas oo dhan akhristayaashanadana ayaan u daynaynaa in ay ka jawaabaan maadaama ay tahay sadar muuqdaa su’aal kadhan.

 

Qoraalka Jaha wareerinta ah ee uu Cabdi Iley isticmaalay ayaa daliil u ah halka ay maanta tabartiisu taagantahay iyo in uu maciin biday in uu adeegsado been aan sal iyo raad lahayn oo aan ka gadmaynin xiitaa shacabka xaqiiqada og ee xog ogaalka u ah halka ay maanta xaaladiisa marayso.

 

waxaase maanka iyo maskaxda Cabdi Iley ka baxday in uusan marnaba been aan sal iyo Raad lahayn uusan ku mada daalin karin shacabka Deegaanka inta ay hawada kujirto shabakadda degaanka oo hadh iyo habeenba u taagan fashilinta qorshayaasha guracan ee Cabdi Iley iyo samayn been abuur aan sal lahayn.

 

dhanka kale waxaa wali gacanta raysal wasaaraha ku jira liiska wasiir kuxigeenada kuwaas oo uu kamid yahay Cabdi Iley laguna wado in uu raysal wasaaraha si rasmi ah ugu dhawaaqo maal mahan fooda nagu soo hayo taas oo ah natiijada rasmigga ee ay u hanqal taagayaan Guud ahaanba shacab waynaha ku dhaqan DDSI ee ay soo kartay dhibaatada xoogan ee uu ku hayo kaligii taliye Cabdi Iley

 

Siwalbooy ahaataba waxaa caawa xaalad fashil ah gacmaha kula jira calooshiis u shaqayste Cabdi Iley oo ay u socon wayday ruwaayadii raqiiska ahayd ee uu kusoo mal maluuqay cakaara taas oo ku noqotay “kud ka guur oo qanja u guur”.

 

Degaanka.com

 

 

2 comments

  1. Asc..bahda degaanka.com salaan kadib..
    waxaan aad ula yaabaa ismaqiiqan qaawane war ninku maba quusto miyaa… dadku waxay layaabanyihiin beentan uu kusoo qoray cakaaranews balse waxaa hubaal ah marka QAAWANE wasiir kuxigeenimo loogu dhawaaqana in uu odhan “anigu waxaan ahay wasiir buuxa oo anigaa dalbaday in arinku ku xigeen ahaan laga dhigo si aan leyga maseyrin”

    qaawane isagoo og in arinkan ku dhawaaqista wasiiradaa shaqo federal tahay oo xitaa hadey hal xubin ku dhawaaqaan lawada maqli oo shabakada federalka ee WALTAINFO.COM hadba soo dhigta xogaha heer feral mataqaanaan QAAWANE waxa arinkan ku kalifay ????

    jawaabtu waa: qaawane wuxuu mooday dadkoo dhan in uu damiirku kalumay waayo wuxuu inbadan arkay haduu run sheegi iyo haduu been sheegiba in loo sacaba tumi waana sababtaa waxan ku kalifay in uu beentaa cakaara news kusoo qoro oo wuxuu isleeyahay beentii horeba waa laguugu sacabo tumay e tana in ay aamini doonaan waa hubaal.

    warhooy dadku saad moodeso ma’ahane waxba haluguin 1000 jeer ayey kaa xeelad iyo waayo aragsanyihiin sacabkana waa xeelad dagaal e sikale ha u fahmin.

    qaawanow weli madaawatay filimadii asxaabta ee intey gaalada u baqo cararaan oo ay gaaladuna farxaan markay kadaba cararaana gaaladii xaga dambe looga imanayay oo nag laga dhigayay… oops sory ileyn ninku qaawanuu ahaa war filin asxaabna maxaad kadaawan adu hablaha yar yar iyo lacag umbaad daawataa e.

    aaway abwaan ALPHA sxb kasii daa gabaygii “madoorsoomin dadkeygii”” doqonkan QAAWAN haku tusaale qaatee.
    * * * * * *

  2. Ma ma qa sheen ,waxaa sI waa, gar darro garab og, adeer raggii meesha u dhiibtay baa la og.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*