RAYSAL WASAARE HALLIMARIM WALI LAGA SUGAYO KU DHAWAAQIDA WASIIR KU XIGEENADA & CABDI ILEY OO ACCOUNTADII DAWLADDA WIXII KU JIRAY KALA BAXAY.

Raysal wasaare Hallimarim Desalin ayaa wali laga sugayaa in uu ku dhawaaqo Waiiro ku xugeenada kuwaas oo aad isha loogu yahay totobaadkii tagay.

 

lama oga ilaa hadda sababta keentay in uu dib u dhac ku yimaado ku dhawaaqida wasiir kuxigeenada hasa ahaatee waxaa lala xidhiidhinayaa raysal wasaaraha oo mashquul ku ah shirar uu la leeyahay Axzaabta mucaaradka ee Dalka.

 

Dhanka kale Cabdi Iley ayaa xaalad quus ah istaagay kadib markii lagu war galiyay in uu kasoo dhex muuqan doono wasiir ku xigeenada cusub ee lagu dhawaaqi doono, waxaana wixii markaa kadambeeyay uu bilaabay in uu Accouna- da xafiisyadda Dawladda ee   qaar kala baxo gabi ahaanba wixii ku jiray si uu u sii sahaydo maadaama uu xaqiiqsaday in ay deegaanka ugu dhamaatay.

 

si walbooy ahaataba waxaa aad loo filayaa in in Raysal wasaaraha uu sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqi doono Wasiir ku xigeenadiis taas oo ah mid farax galin doonto shacabka deegaanka ee Cabdi Iley ku noqday Fircoonii qarnigan 21aad.

 

degaanka.com

8 comments

  1. Maah.maah car beed,ayaa tidhaahda, kulu xara ka la haa baraka,is badal kasta waa khayr bay yidhaah daan,laakiin,waxaan jecel laan la haa in ninka bada la ya Somali doorato,ee aan loo yee dhinin,sidii soo kale .haddaan xor nimo, inoo gooni ahwaynay .waxaa habboon in sida dastuurka,fadaral ka itobiya qabo layna gu dhaqo ,iyadoo,uu inoo ogol yahay wixii goosi ka hooseeya,oo dhan.isoo saxa daan gaf sa na hay.

  2. Mahad Asalaamu Calaykum aad baad uamahadsantahay
    Fikir saliim ah oo caafimaad qaba yaad soo dhigtay ,ma gafsanid ee waa say tahay
    Ummadu iyadaa xaq u leh inay cidii hogaamin ee ay wax dhiiban soo xulato
    Waa xuquuqda aasaasiga ah ,nasiibdaro horay looma helin waxaanse illaahay ka rajaynaynaa inay timaado taasi

  3. Markaan xasuus to geesi yaa shii aan aqaa nay ee ,kuma yaalka ahaa ,ee naftoo dii iyo dhiigoo dii qaa li ga ahaa u huray dalkan iyo dadkan ,runtii caloo shaan ka oo yaa,anoon la hayn,maxaa ginbood iyo geesi yaa shii reera haa maxaa loo xusa yaa ,ka na xumayn ,haddana mee ye,maal mahay gii hal yee ya day dii aanay cidina taariikh dooda iyo tira dooda toona gara naynin.sayidkii,wuxuu yidhi,maadhow,waxaad igu akhri uur ku talada.maan dhow ilmada hayga qubin,kaa afeef tama ye.

  4. ASc asxaabta halganka aan ku walaalawnay waxaan aad ugu faraxsanahay inaad dhinca wax kawada aragtaan feker midaysan waa ta halgankani u baahan yahay sidii ummada looga saari lahaa dulmiga halakeeyay ee dhammaan ummada wada taabtay. Waxaa loo baahn yahay in aynu ka oogno quluubteena maamul suuban oo ummada u adeega una horseeda inay gaadho maqaam sare oo ay kuhiigsato xaqeeda iyo waxa kasta oo ay tabanayso. Halganka aynu ku jirnaana wa mid gali doona taariikhda oo ah weel lagu shubo dhacdooyinka bani aadamku soo maro kuwooga dhaxal galka ah. Mahadoow walaal taariikhda geesiyaasheenii waa mid ma guurto ah, Awowgay ilaahay naxariistii janno ka waraabiyo waa ku shahiiday asagoo la halgamaya Dergigii, abtigay sidaasoo kale. Cidna ma dafiri karto laabteena iyo quluubteena ayanay ku xusan tahay markasta iyo saacad walba. Waqtigeedana markaynu isku duba dhacno waxaa inshallaahu lagu baran doonaa taariikhda dugsiyada, inkastooy hadaba ahayd in lagu barto ma aanay dhicin oo wadankii sidaad ogatahy wuxuu galay nooc gumaysi nacas ah oo asaga laftigiisu u baahan in lala halgamo. kkkkkk waxaan xasuustaa 2010 ayaa anigoo Jigjiga Jooga laygu xiray mid kamida jeelasha jigjiga, waxaan ugu tagay jeelka dhallin yaro badan oo aan aqaanay anigoo waxoogaa nabaro igu yaalliin, haddaan is waraysannay ayaan ogaanay in kala badh dadka meesha ku xiran aanay xataa aqoonnin wax loosoo xiray! waxaan ka caloolyoobay wixii aabayaasheen usoo dhinteen iyo awow yaasheen ma in anaka lana xiray ahayd mise inaan nabad iyo gobannimo ku naalloono. waxaan uga gol leeyahay inakuna yaynaan is dhigan marka ilaahay qaawane in a dhaafiyo aanku dadaalno oo wax badan u hurno sidii kuwa inaga tafiirma aan jeel loo gayn lahayn isla markaana aanay u gali lahayn xabsi cusub. Waxaa muhiima inaynu sawirka guud (the big picture) si fiican u fahanno deetana aynu jeexanno wadada ugu caafimaad qabtae e aynu ku gaarayno

    Aadbaan inii salaamyaa dhammaantiin

  5. .Nin walaalki daaya cay ilaa data dayn waa.Sayidkiina wuxuu yidhi,Lee caan ta somali daa ,luri,caloo shay da.Luufluf ta daa saan u dhiman,laafo lugud kee da.

  6. Saa hid, Qa man, wuxuu yidhi.muslin kuma cabiid samo,Wallahaan madaxa kaa goyne,muggii weel ma dhaa fooy allow moos ka yaa jabinin.taladu ,ama xeer ku waa moos ,ummaddina haddii ayna xeer lahayn ma dhaqan to.

  7. Walaalkeen Mahadooow adigoo mahadsan markaad wax soo qorayso fadlan iska sax oo wax la aqrin karo oo la fahmi karo soo qor, waan kuujeedaa oo murti iyo xikmad badanbaa kugu aasane naga dhergi oo naga haqabtir oo si fiican noogu soo qor waan u haraadanahay dadkayagan dambe arrimahaasoo dhan

    Aadbaan kuu salaamyaa

  8. Aad iyo aad baad u mahadsan tahay ,waan is kaba dayn wixii taariikh iyo gabayadiI hore ah,soo qaada sha dooda ,waxaa kale oo iyana jirta makiinadda aan wax ku qoraana ma fiicna,igana raalli noqda,khalad key gaa ,idinkuna sidaas oo kale ii saxa.waxaan aniguna odhaan la haa qof keena xun ha loo saxo sida ugu habboon,keena wanaag Sanna ha la dhiiriyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*