download (3)

DEG DEG CABDI ILEY OO LAGU WADO IN MAALINTA BARI AH LOOMAGAACABO WASIIR KU XIGEEN.

War Deg Deg: warar hoose oo ay heshay shabakadda degaanka.com ayaa sheegaya in maalinta bari ah lagu wado Cabdi Iley in lagu soo daro wasiiro ku xigeenada lagu dhawaaqi doono taas oo ah natiijo ay indhawaalaba ka dhursugahayeen shacabka deegaanka oo maal mihii u dambeeyayba u dhag raaricinayay shirka xasaasigga ah ee ka socda magaaladda Addis ababa.

 

Cabdi Iley oo caqabad ku noqday shacabka Deegaanka iyo Horumarka ay hiigsanayaan ayay dawladda dhexe xal u aragtay in shacabka laga dhexsaaro marka horana laga dhigo wasiir ku xigeen iyada oo marka dambana maxkamad lasoo taagi diino si loogu qaado xasuuqii uu kula kacay shacab deegaanka.

 

Xaalada Cabdi Iley ayaa aad looga dayrinayaa isagga oo markii hore ku baryootamay in hadii la dhaafinayo Deegaanka Soomaalida laga dhigo wasiir buuxo hasa ahaatee rajadiisa ayaa noqotay mid guul daraysatay kadib markii loo sheegay in lagu qori doono halkii ay dawladda xal u aragto.

 

Shacabka Deegaanka ku dhaqan ayaa maal mahan aad u hadal hayo xaalada shirka Xasaasigga ah ee kasocdo magaalada Addis Ababa iyaga oo u dhagtagaayo in ay mar un dhaghooda maqlaan in Cabdi Iley laga dhex saaray deegaanka Soomaalida hasa ahaatee waxaan ugu bishaaraynaybaa shacab waynaha Deegaanka in uu ka caga laabtay Cabdi DDSI shacabkana wixii hada ka dambeeyo ay heli doonaan Cadaaladii iyo sinaantii faraha kabaxday 5tii sano ee u dambaysay.

 

kala soco shabakadda Degaanka.com wararkii ugu dambeeyay ee shirka kasocda magaaladda Addis ababa iyo xaalad murugsan ee Cabdi Iley.

 

degaanka.com

40 comments

  1. Alla jecliyaa warkaad soo qorteen iyo sad usoo dhigteenba shacabka waad ubishaarayseen aan ka midka nahaye Alle bishaaradiisa hella
    Waxaa illaahay Ka rajaynaynaa in sidaa aad udhigteen wax udhacaan bi’idnilaah
    Rabiyow addaa naga qaban kara daalimkaa ee addoomahaaga ka adeeji islaam iyo gaalba leh illaahayow addoomahaga ku dir mujrimkaa qayrkayo naga reebay Allaahuma Aamin yaa rabbi

  2. Saadaa Sha aad noo,soo sheegey saan noogu soo dara,cidda bad a leysa.iyo waxaa la,ga Mac ashayo.Eriga.And i.

    • Haddii waxa laga macaashayo aadan garanayn wuxuu nagu hayayna kama warhaysid
      Haddaanse laba iyo sadex kuugu koobo waxa laga macaashi erigiisa Nabad iyo Nolol Iyo Nuur
      Aadamahana Nolol iyo Nabad baa ugu muhiimsan .

      Mr Mfmahad. Waad Gartay baan umalaynayaa waxa laga macaashi halkaana Ka garo wuxuu nagu hayay oo haaa inuu Nabad iyo Nolol noo diiday ,hadaad moogayd ood mukhuur ku jirtay iyo haddii aad ahayd Somalida kale ee walaalahayo ah ee uu mowjadaja beenta iyo makriga ahaa ku hafiyay isagoo adeegsanaya Tuuga reer xamarka ah ee Universal Tv is ka leh kaasi oo hoosta nooga xariiqan Inshaa allah na waan horkeeni doonaa maalin maalmaha ka mid ah sharciga xariifka reer xamarka ah.

  3. Maalintaad sugayseen saaka waa la joogaa ,allaha saatira yaa koonkan ku tasarufa,umuur kuligeed allay usugnaatay siduu qadaro unbay ahaan
    Waxaanan allaha awoodaa leh Ka rajaynaynaa in uu Mujrimka waaalan naga qabto ,rajadaa inagoo rabi Ka sugayna Inshaa Allah
    Waa tan markale iyo tixdii. Ahayd hee
    —————–
    Gabaygii Bidde
    *******************
    Bidde ina ilayow,boogaalihiiyow
    Bashtanyaagi liitaw,bishan waad ka boodhine
    Halkeebaad bustaha dhigan ood beegsan doontaa
    Halkeebaad ubaqan ood ku badbaadi doontaa
    Birmad yaase noqon war bad baadsha yaa odhan
    Shacabkaad baabaabi’inasay eed bukhuurta ku haysay
    Birta aad ka aslaysay,bashaaqaysay jidhkooda
    Badhna baahi ku laysay, eed badar raashin udiiday
    Badhna boobtay xaqooda,badhna aad bahdilaysay
    Badhna aad bajinaysay,ee badii ku halaagmay
    Badh kaleetana aad bahal yawga cunsiisay
    Ee inay badqabaan iyo baxsanaanta udiiday
    Yaan haddaad ama biibto ama aad iska boodo
    Baxso aad istidhaahdo barqin aad ka hadaafto
    Badda aad isku jeexdo ood baflayso dabaasha
    Ama,aad baalalayda diyaarad booking keeda haleesho
    Ood baqo roorka carawga Panama aad kor udhaafto
    Baryo sii soconmayside barbaar aad u’gadoodsan
    Boqolaal kusugaayay oo bishanta hoose qaniinsan
    Yaa ku baacsani doonoo babtay kaa sudhayaanoo
    Boodhkay kuu dari jaahee xageebaad ku badbaadi
    Bulshadaad badankooda iyo beerkooda cunaysay
    Eed bajjet kii kilil kooda baqshiish aad rag ku siisay
    Batar dhaanto ciyaar iyo biirta aad ku cabaysay
    Badhna aad janan siisay aad ibad baadi lahayd
    Badhna baydadka raaxo ee boqolaalka kun jooga
    Baxrayn iyo Dubay buuralayda Texas,kaga baayac tamaysay
    Dadkaad boobtay xaqoodu kuma baajinayaanoo
    Birtay kaa aslayaane xagee baad ku badbaabi.

  4. Maalintaad sugayseen saaka waa la joogaa ,allaha saatira yaa koonkan ku tasarufa,umuur kuligeed allay usugnaatay siduu qadaro unbay ahaan
    Waxaanan allaha awoodaa leh Ka rajaynaynaa in uu Mujrimka waaalan naga qabto ,rajadaa inagoo rabi Ka sugayna Inshaa Allah
    Waa tan markale iyo tixdii. Ahayd hee
    —————–
    “Halkee baad bustaha dhigaan”

    *******************
    Bidde ina ilayow,boogaalihiiyow
    Bashtanyaagi liitow ,bishan waad ka boodhine
    Halkeebaad bustaha dhigan ood beegsan doontaa
    Halkeebaad ubaqan ood ku badbaadi doontaa
    Birmad yaase kuu noqon ,war bad baadsha yaa odhan
    Shacabkaad baabaabi’inasay
    Eed bukhuurta ku haysay
    Birta aad ka aslaysay,bashaaqaysay jidhkooda
    Badhna baahi ku laysay, eed badar raashin udiiday
    Badhna boobtay xaqooda,badhna aad bahdilaysay
    Badhna aad bajinaysay,ee badii ku halaagmay
    Badh kaleetana aad bahal yawga cunsiisay
    Ee inay badqabaan iyo baxsanaanta udiiday
    Yaan haddaad ama biibto ama aad iska boodo
    Baxso aad istidhaahdo barqin aad ka hadaafto
    Badda aad isku jeexdo ood baflayso dabaasha
    Ama,aad baalalayda diyaarad booking keeda haleesho
    Ood baqo roorka carawga Panama aad kor udhaafto
    Baryo sii soconmayside barbaar aad u’gadoodsan
    Boqolaal kusugaayay oo bishanta hoose qaniinsan
    Yaa ku baacsani doonoo babtay kaa sudhayaanoo
    Boodhkay kuu dari jaahee xageebaad ku badbaadi
    Bulshadaad badankooda iyo beerkooda cunaysay
    Eed bajjet kii kilil kooda baqshiish aad rag ku siisay
    Batar dhaanto ciyaar iyo biirta aad ku cabaysay
    Badhna aad janan siisay eed badbaado ku raadin
    Badhna baydadka raaxo ee boqolaalka kun jooga
    Baxrayn iyo Dubay buuralayda Texas,kaga baayac tamaysay
    Dadkaad boobtay xaqoodu kuma baajinayaanoo
    Birtay kaa aslayaane xagee baad ku badbaabi.!!!
    Meelaba Dee Agaaaaaaaah.

  5. Maalintaad sugayseen saaka waa la joogaa ”
    Allaha saatira yaa koonkan ku tasarufa,umuur kuligeed Allah bay usugnaatay siduu qadaro unbay ahaan
    Waxaanan Allaha awoodaa leh ka rajaynaynaa in uu Mujrimkan waalan naga qabto ,rajadaa inagoo rabi Ka sugayna Inshaa Allah
    Waa tan markale iyo tixdii. Ahayd hee …
    “Halkee baad bustaha dhigaan”

    *******************
    Bidde ina ilayow,boogaalihiiyow
    Bashtanyaagi liitow ,bishan waad ka boodhine
    Halkeebaad bustaha dhigan ood beegsan doontaa
    Halkeebaad ubaqan ood ku badbaadi doontaa
    Birmad yaase kuu noqon ,war bad baadsha yaa odhan
    Shacabkaad baabaabi’inasay
    Eed bukhuurta ku haysay
    Birta aad ka aslaysay,bashaaqaysay jidhkooda
    Badhna baahi ku laysay, eed badar raashin udiiday
    Badhna boobtay xaqooda,badhna aad bahdilaysay
    Badhna aad bajinaysay,ee badii ku halaagmay
    Badh kaleetana aad bahal yawga cunsiisay
    Ee inay badqabaan iyo baxsanaanta udiiday
    Yaan haddaad ama biibto ama aad iska boodo
    Baxso aad istidhaahdo barqin aad ka hadaafto
    Badda aad isku jeexdo ood baflayso dabaasha
    Ama,aad baalalayda diyaarad booking keeda haleesho
    Ood baqo roorka carawga Panama aad kor udhaafto
    Baryo sii soconmayside barbaar aad u’gadoodsan
    Boqolaal kusugaayay oo bishanta hoose qaniinsan
    Yaa ku baacsani doonoo babtay kaa sudhayaanoo
    Boodhkay kuu dari jaahee xageebaad ku badbaadi
    Bulshadaad badankooda iyo beerkooda cunaysay
    Eed bajjet kii kilil kooda baqshiish aad rag ku siisay
    Batar dhaanto ciyaar iyo biirta aad ku cabaysay
    Badhna aad janan siisay eed badbaado ku raadin
    Badhna baydadka raaxo ee boqolaalka kun jooga
    Baxrayn iyo Dubay buuralayda Texas,kaga baayac tamaysay
    Dadkaad boobtay xaqoodu kuma baajinayaanoo
    Birtay kaa aslayaane xagee baad ku badbaabi.!!!

  6. Kama had lay nin universal tv iyo ninka iska leh ,waan kugu raac sanahay xumaan tii sa,ee waxaa shee g ayaa ,in ayna jirin ,talo somali yeed oo meel inoo taala ,oo wax la qayb sata,saga ashan ka mil yan ee itoobiyan ka ah.abdi mohamud omer.na haddii la eryo kii badali,laa haa wuu maga caa ban yahay,haddaan talo iyo midnimo deegaanka ah la helin,in taa na waan ku celcelinay celiya yaa.

  7. Tix hore ,Taabab go,ay haddaan lays la qaban looma taag helo, ta ban taa ba day labo gaca mood ,tamarind ku yee shaane.waa lays ku wada tiir san yahay sida t is oo deed. Waa Bar khadle Khalif Hirst.

  8. Mahad waad mahadsantahay walaal UniTv Waxaan kuugu soo qaatay Waxaan ku lahaa maadaama aad tidhi maxaa laga macaashi erigiisa Waxaan Iska dhaadhiciyay laba mid inaad tahay (1) nin mukhuur ku jira oo deegaanka u dhashay sidaa awgeedna maanta ay ka dadantahay waxa Eriga Iley laga daa iidi maadaama uuna war uhayn wuxuu yeelay (2) in Aadan Deegaanka u dhalan oo Somalida kale tahay Kana mid tahay Somalida Tvgaas isaga ah Iyo Lamaanihiisa ESTV Ka daawaday beenta bulshada lagu marin habaabiyay.
    Sidaas ayaan usoo qaatay.
    Hadalkaagan danbe yaan wax Ka fahmay walaal Kii hore waana gaabnaa Erayga maxaa laga macaashi ee aad daba dhigtayna wuu idamqay
    Waa runtaa oo inaynu mid noqono oon meel Ka soo wada jeedsanaa waa lagama maarmaan sidaasna aan xuquudeena iyo xaqeena kaga soo dhacsano Sagaashankan milyan ee aan Ka mid Ka nahay maanta.
    Midnimadaa lafteeda aad Ka shanqadhisay waa waxyaabaha laga faa,iidayo Eriga ninkan waalan waxyaabaha uu laalay bay Ka mid tahay ee meesha ku dar
    Khayrbaan kuu rajaynayaa walaalkay wadarteenba. Waxa inaga hadlin waa wanaag wadarteen ah iyo wax inaga wada maqan daydaygii
    Salaamu calaykum

  9. Magaca a ha jiro,ee magac yada can ka buud iyo alfa ma arag somali la yidhaah do in kastoo afkeena iyo kan arab tu is ku jiraa,n, .waxaan ahay somali ,waxaan jac lahay,dalkay ga iyo dad kayga , waxaan rumays nay hay, dhibaato da ka jir ta deegaanka, Salkee du in uu yahay, Laba arrimood, 1..dawladda dhexe oo aan la,aan teed cidina shacabka wax dhibaato ah ku samayn karteen.ha yaraa do, ama ha way naa do ee.2….caa iska ,ta faraa ruqa,dhex deen a ah,iyo nabar ka yar ee onlf ee lagaga jawaabayo waxa deegaan ka ka socda.iimana muuqato.in talo iyo mid nimo la aan laga baxayo.raalli iga noqda waa arag tiday da gaabka ne.

  10. Mahadow mahadsanid walaal waan kugu raacsnaahay in xaalku yahay kuli fitna cinda Geel waa. Kugu raacsnaahay waxaad sheegtay dareenkaasina waa wax jira. wixii dhacay falsafad mudo laga fikiray oo laynugu fuliyay ayay ahayd .
    waxaase hubaal ah in Qaawne boqolkiiba boqol laban laabay oo aad ugu dardarsaday si uu mudo u ahaado ninka aan gadaashii la hadal iyana shaki kuma jiro oo uu xuduuda dhaafiyay ,Cadaawahayaga iyo cidda hadda waxa dhacay Ka masuulka ahina waa isaga
    Cid dabada haystay oo dadkaaga sidaan u gal oo Gaajo ku laa Dil kufso dhaqan doori, gawrac ciqaab Caydhi ,Maydka magaalada u dhex dhig ha aasina dheh,Dhurwaaga sii ,Xoolaha Ka dhac madax furasho Ka qaad Xidh Xidh Cid ku qasbaysay ma ay jirto daanyeernimadiisa dadnimo xumadiisa diindaradiisa iyo doqon nimadiisa ayaa la martay oo ugu wacnayd.

    Saaxiibkay Mahad Waxaan kugu dhaafayaa Gabaygan ee dhuux oo dhadhami

    ” Ma,doorsamin dadkaygii” Gabay
    ———————————————

    Inkastoo dil iyo layn iyo dabar jar lagu dayay
    Inkastoo dayuus iyo dadcun bahala loo diray
    Inkastoo mid doqon iyo diinlaawe uu helay
    Inkastuu dulaystoo docwalbaba ka weeraray
    Inkastuu dagaal iyo duudsi kula kacay
    Inkastoo dubaha iyo daab gudunba lala dhacay
    Inkstoo la daaldhacay inkastoo la dilanyahay

    Ma doorsamin dadkaygii damiirkoodu muu dhiman
    Daanyeero may noqon manayn daynin diidmada
    Doofaarku suu rabay iyo damiciisu muun fulin

    Inkastoo ducfigan xuni dibindaabyo uu baday
    inkastoo dakano badan iyo danbiyaadyo lagu falay
    Inkastoo darmaan iyo duunyadiina laga dhacay
    inkstoo dab lagu shiday danabyadiina laga dilay
    Inkastoo dabaabaad daran doorin lagu riday
    Inkastoo daldalis iyo dooximaadba lagu dayay
    Inkastoo dariiqyada maydka dibada lagu wadhay

    Ma doorsamin dadkaygii daanyeero may noqon
    Damiirkoodu muu dhiman manayn daynin diidmada
    Doofaarku suu rabay iyo damiciisu ma hirgalin

    By Alpha”alpha

  11. Walaal ma sa fadaa da waan akh riyay,waxaan an ra,yi ahaan Lee yahay,wax kasta oo isku keeni kara dad keena ha laga shaqee yo, hana laga had lo mid nimo kaliya .Haddaan la wada had lina xalku waa fog ya hay tuduc nin hore yidhi,Waa yeelku,wuxu daa lac daa doota loo dhiman.maah,maah,Talo la,aan waa la lumaa.

  12. Asc..bahda degaanka.com salaan kadib.
    waxaan arki jiray marwalba oo aan estv furo qaawane oo farxada iyo tamashleynt kamuuqata aad ku indho beeli… hadana waaba ninkii ood moodo in lagu yidhi nafta beri baa lagaa qaadi acuudu bilaah war wuxu kursi jecelaa.
    bishan maskaram 14 keedii oo maalinkii ciida ahayd wuxuu balan qaaday in mudo 2 todobaad ah kililka ladumiyo shacabkana laamey ay maraan looga sameeyo.
    maanta waa balankii oo bishu waa 28 beenaale kaadib ah qaawane uguma horeyn iyo dad markaad been sheegtaba kuu sacaba tuma bal e samankan lajoogo waxaa soo baxay dad sidey kuugu nacamleynayaan aadan fahmi karin in ay kula jiraan iyo in ay kaasoo horjeedaan.

    mr mahad waxaa kaa maqan in luuqada soomaaligu 50% ay isticmaasho ereyo carabi ah.. magacaagaba ka bilow e mahad ma soomaali baa mise waa carabi?
    cankabuut/spider/caaro waa iskumid un waxba hala yaabin hadii kale waa sidii suaashii uu siyaadbare weydiiyay rag soomaali sheeganayay u ku yidhi: war hadaad soomaali tihiin ayaamaha 7aadka bal soomaali kusoo tiriya….. isniin salaasa iyo arbaca waa carabi e soomaali kusheega

    waxaan hadalkeyga kusoo koobi aayada quraanka ah uu ALLE sw kuleeyahay :”walaa talbisul xaqa bil baadili wataktumul xaqa wa’antum taclamuun” xaqa iyo baadilka haisku dhex qasina marwalbana xaqa muujiya oo haqarinina idinkoo og.

    waxaan sikhaasa usalaamyaa abwaankeena qaaliga ah ee ALPHA ALPHA/ 1000 1000
    * * * * * *

  13. Ma diidin,eraya da ,laa kiin ma arag,nin somali ah, oo can ka buud la yi dhaahdo,hana igu la yaa bin,wixii ra,yi gay ga ah,waxaan kolleyba anigu jeclahay,in laga had lo , talo iyo umadda ,ee aan laga had lin nin iyo.qof too na .xaaja deena lun Sana ,la baa di doono. Dadka na wax garad wuu ka buuxaa, arrin a waxaa sal u ah,laba qo dob ,1…midnimo,2…yaa garanaya?haddii labadaa la waayo waxa ka soo hadha a waa ciil caytama .waa dheer ee yay. Raalli galin.

  14. Asc.. walaalkey kulama yaabani oo qofwalba oo aduunkan kunool sheykasta cilmi kuma soo koobi karo.sxb cankabuut qof layidhaahdo hadaadan horey umaqal eegaba maqal waxaana rajeynayaa hada kadib magacaasi inuusan qariib kugu noqon.

    wixii talo iyo fikrada waa loo baahanyahay bulshada aayeheeda in laga shaqeeyana waaba sababta ay shabakadaha degaanka.com iyo firimbi.net loo furay waxaana markhaati kuugu filan marwalba uu qaawane munaafaqad iyo isku dir maaganyahay sida ay arimahaasi bulshada uga digaan.

    sxb lamasoo koobi karo inta jeer oo AQAAWANE shirqool uu nala maagana lagafashiliyay… marka aad leedahay shakhsi un yaan laga hadlin koley waxaad ujeedaa cmc balse musiibada ugu weyn e degaanka kajirta waa cmc wa’ayo cida kale eed dooneysay in laga hadlo iyadoo tataarkan qaawane ah meeja shirqool iyo marin habaabinta lasoo taagan meeja ladhaafinin

    koley ka shakhsi ahaan majecli in aan qof fikradiisa caayo ama wax kasheego waxaana markhaati kuugu filan in mararka qaar rag caytami shabakada soo booqdaan oo aanan loo jawaabeyn balse wixii sixitaan ah waa leysku leeyahay e aan ku yara soxo e sxb marka aad comment bixin gabashada iska daa…waxaad iska dhigeysaa qof cmc kasoo horjeeda hadana waxaad moodaa in aad kagubaneyso xogahaa qaawane ku saabsan.
    sxb aan kula kaftamo e dhanka qoraalka iyo comments ka waxaad iskaga eg tihiin saaxiibkey AXMED e maad is taqaanaan AXMED? ?
    * * * * * *

  15. Walaal,waligey.waxa aan is Lee yahay ,cid buu wax u tari ,isma odhan haro,tan aynu ka had lay nana waa ba .naft ay dii ,meesha dadka iyo taladii sa ii xanuunay Sana Ilaah un baa og,Qa man Bulxan, wuxuu yidhi,Hala an aa ka Lee yahay ilaah kali ya un baa og.anna haddaan kaftan I dhaah do, waxaad moodaa intii aad adis.ababa iyo meesha layna ga gubay arki la hay deen in aad ku mash quulin sheen nin la dir saday,waxaan an Lee yahay ,can ka buu dow,Gudunta, arag daab ka waad kala jabin kar taa,e .ninkaas ahmed xasuus to.mar kasta raalli, iga noqo adiga iyo akh rista yaa sha kaleba.

  16. Asc… gudunta arag daabka waad kala jabin e…
    talow ma wuxuu kawadaa cankabuut waa nin bir ah oo hadii gudin lagu dhufto daabku wuu kala jabi? ??

    mayee ma arinkaa sxbkey axmed kusaabsan baa uu leeyahay sababta aad usoo xusuusatay waa nin adag? ??

    mayee ma wuxuu kawadaa maamulka addis ababa in horta meel lasaaro kadibna qaawane si fudud ayaa loo qaban karaa ????

    sxb marka aan kuleeyahay kuma fahmo wa waxan oo kale
    maa ifaanisay mayee maa icayday ama waxbaad sarbeebeysaa???? koley dhanka wanaagsan umbaan kaqaatay sxb waanad ku mahadsantahay hadiiba gudunta daabkeedu aragtideyda ku kala jabi.
    kkkk aynu iscafino sxb
    * * * * * *

  17. Aad uma sar beebin,waa ban se cadayn,e,Gudunta waa talada adis ababa taala ,salka,dhibaa ta deen una,waa hal kaa,madax da deegaanka ka jirta na ,ma aha mid aynu la nimI’d. Waa da na og tahay,baan filayaa,tan kale, anigu ma I hi dadka ,diidan in itobiya wax la la qab sad,o.waxaan saas u Lee yahay in aadan ii malayn in,aan ahay onlf ama shabaab.qo dob ka kale, ku celin la haa waa ha raadiyo midnimo,dhex deen a ah.axmed waxaan ka wadaa ninkii aad t idhi qoraan la dii naa isu eg ma I hi. Mahad said ,raalli iga noqo.

  18. Asc.. mahadow horta mahadsanid balse hal arin aan ku xusuusiyo; waa mida koobaa e sidaa aad adiguba usheegtay midnimadu waa lama huraan waayo “each one of us alone is as weak as a single stick we can easily be broken but if we keep together we will be strong” wax kasta oo naqabsadeyna inagaa iskugu wacan hadii dulmiga aynu si wadajir ah u wajihi lahayn meelahan leyslama soo gaadheen… dhacday oo qaawane iyo xaabadiisiiba wey naduleysteen hadana ardulaahi waasic oo waxani sidey udheceen iyo hadii sidaa lafali lahaa sidaa madhacdeen waa dambi e ku qabsato iyo qadar ALLE waala qaataa samir.

    arimahaa qaar eed kadhawaajisay waa wax logically laqaadan karo koley sida aan dareensanahayna waxaad tahay shakhsi xog haya weyna fiicnaan lahayd in aad nala wadaagto waayo fikradaha aynu ku kala duwanaano balse wixii macquula oo midnimadeena iyo maslaxadeena kujirtaba aynu wadaagno.

    midna waligaa ha iloobin… hadii larabo in midnimo lahelo waa in waxa tafaraaruqa keenaya meesha laga saaro intii aan noolaana waligay ma arag iskudirkan QAAWANE oo kale bal e mararka qaar xeeladaha uu isticmaalo wuxuu kaa shaki galin xitaa ragaa commentska bixiya.

    mararka qaar wuxuu isku dayaa si uu liyuuga duurka ugaliyo in uu kuyidhaahdo waaleydin kala dirayaa oo itoobiya qiimo kama lihidin.

    mar wuxuu isku dayayaa in uu maamulka addis ababa iyo shacabkeena madaxa isu galiyo isagoo xitaa qudhunwadayaashiisa soo dhigaya video uu leeyahay waa xaylemaryam oo magacaabistii wasiirada degaankeena quudhsaday sheegayna in dds maadaama ay tayo lahayn uqalmin hal wasiir wax kabadan..markaad videoga ku dul dhufatan waa sawir un oo muuqaalkuu kasheegayay lahayn.

    sidoo kale si uu heshiiska ONLF iyo ETHIOPIA u khalkhal galiyo waad ogeyd isku daygii uu sameeyay oo shabakadeheenu fashiliyeen xitaa waad maqashay baan filiyaa in malaayiin uu ku bixiyay si uu wadanka qalalaase uga abuuro oo uu heshiiskaana u hir galin.

    iskudirka qabaailadaa walaalaha ah iyaga warkoodba daa bal e mararka qaar si uu laba qolo iskugu diro uu dilal shirqoola usameeyay balse ALLE mahadii mahir galin

    sxb anigaa ku raali galin e marka aan maqlo dad maamulka addis ababa wax kasheegi waxaan is idhaahdaa malaha waa qaawane oo arin maagan.cankabuut re-said aad ayaan kuu raali galinayaa
    * * * * * *

  19. Asc Waan idin salaamay labadiinaba. Waa. Mahad& Canakabuut
    Canakabuut sxb Kay oo aanan waayadan ismaqal Waan ku faraxsanahay inaan qoraalkaaga arko
    Waan isku kiin daawanayay ilaa shalay qoraaladiina waan wada akhriyay
    Gunaad fiican yuu Cankabuut ku soo afmeeray doodii Sadex geesiodka ahayd ee aynu wadaagnay
    Mahadow, midnimo waa lama huraan umadna la aanteed wax ma noqoto balse way baaba’daba midnimo la’aanteed waana tan maanta inaga ina haysata guud ahaan iyo gaar ahaanba hadaan nahay dad luuqadan aan wax isugu qorayno leh.
    Sida Mahadow aan aniga iyo Cankabuut ba ku celcelinay ninka midnimo la’aanta keenay ee tafaraaruqa inagu riday Nabada iyo Nooloshana inagala dagaalamay iyo deganaanta waa Qaawanee waa Qaatilkaase Inaan midnimo diidka muslin diidka masjid diidka meesha Ka saaro oo aan meel uga soo wada jeedsano saw murtidu maaha?

  20. In badan oo aynu ra,yi is dhaaf sanay,wax aynu ,is la garanay ,in dhibaa to xum,jirto iyo in talo mid nimo loo baa han yahay,la kiin ,waxaad moo daa ,in meelaha qaar aynu ,ku kala arag ti gadisanahay.taasna ,waa wax caadi ah,oo waxaa la yidhi , maan rag waa mudacyo afk ood .waxaa se jirta dad aad u ad la oo la nooc ah,oo is qariyay ,1..waa xabashi shi af somaali ga bartay,oo iska dhiga in ay somali run ah yihiin,meel kasta na way joogaan waxay na sheeg ta an magac yo kale. 2…waa dad dano gaar ah leh,dhibaa ta Dana ka qayb qaatay,oo ay is qabteen,maamulka jigjiga,kadib markay,waa yeen,qandaraas yo,ama xila. Iyo wxm.deed na billaahi bay cay bar a bag aan. Laakiin gu maad, ka iyo dhibka jira,ka may had leen haddii xoo gaa gooda la siin la haa.

  21. Mahadow kumaaan fahmin waxaad soo qoraysana intii horana dhib baan ku akhrinayay eeggana waad Ka sii dartay oo waxaad Ka hadlayso aad micno uma samaynayaan qoraalkii oo khaldan ama bojoloan aawadeed Waxaan kaa codsan lahaa inaad waxaad qorayso eed soo dirayso iska hubiso saxnidooda
    Nasiiba daro hadi waxaad sheegaysaa malab Ka macaan yahayna aad looma garanayo Ka’ anamaa qolyaahad Ka sheekaynba inaad tahay oo kale iyo inaad Qaawane oo qiiq isku qarin iyo makrigiisii wada mooyi oo afsomali dawakhsan soo qora
    Anigu aad kuu fahmi waayay sxb

  22. Asxaabta dhammaan waad salaamantihiin

    Haddaan akhriyay comentigiina waxaa meesha ku cad inaad si wax u wada wadaan laakiin waxoogaa qoraalka mararka qaar is dhinac maraysaan oo aad moodo inaad kalabaydhka isku dhaafaysaan,kkkkkk

    Waxaan anigu shaqsiyan aaminsanahay oo fekerkayga ah qodobadan soo socda waase dood furan laygi raaci karo layguna diidi karo

    1-Dhib waynbaa jira oo shacabka deegaanka haysta oo aan hore loo arag loona soo marin xataa marka dib loo dheehdo waayihii madoobaa ee dergigu wadankan xukumi jiray
    2-Waxaynu u baahanahay inaynu si midaysan u wajahno dhibaatadaas si xalkeeda loo gaaro
    3-Waxaa muuqata gaabis farabadan oo xaga federalka ah oo aad moodo inaynaan priorityba ahayn
    4-Waxaa xaqiiqo aan la dafari karin ah in waligeedba dawlada federalku ay dejin jirtey jihada siyaasadeed ee wadanku u dhaqaaqayo guud ahaan iyo gaarahaan deegaannada dhammaan Ethiopia, xaalado jira awgood ayaa deegaanka Soomaalida ka dhigay meel aad moodo inaanay xataa ka mid ahayn Ethiopia inteeda kale. Muddooyinkii ugu danbeeyay wuxuu gobolkeenu noqday mid u afduuban shaqsiyaad u badan ciidan oo dano dhaqaale kaleh iyo Qaawane oo isagana ay noqotay sida kaliya ee uu ku badbaadi karaa inuu deegaanka ka dhigo meel fawdo ka jirto isla markaan sharciga ka fog, labadaasi oo is huwan ayaa shacabkii ku dhex baaba’ay. Wuxuu sameeyay waxkasta oo xumaan ah si uu meeja ugusii negaado, haddii sharci yimaado waxaa imanaya xisaabtan, haddii xisaabi timaadona waxaa imanaya in ragbadan xabsiga la dhigo, qaawane wuxuu ku jiraa xaalad abuur saacad saacad ah halkay doonto hala martee. Taliska ciidanka ee hararna waa kula jiraan inay xaalad abuurkaas ka qaataan qaybta ugu wayn. Guntii iyo gabagabadii haddii ay xaaladu sidatan sii ahaato waxaan ka qaadanaynaa hal cashar oo ah inaan Ethiopia haykalkeeda dawladeed caafimaad qabin oo baroortu orgiga ka wayntahay

    Aadbaan inii salaamayaa dhammaantiin

  23. Qaawane oo Comments Cankabuut Ka qayliyay bal ila akhrista Cankabuut sxb haddaad ogaan lahayd in comments kaagu Qaawane gubo waad u toban jibaari lahayd sxb. Qoraal kan hoose waa Qaawane fariintii uu FB ii soo dhigay*****
    adiga iyo cankabuut kaladhaha waxad taqanan diinta hadana waad ku xad kudubtaan horta midwamid oo diintu ma ahaa cay iyo borobogandho waa cankabut waxad soqorta ayado mana aminsanid oo allaah qalbigaga ayu ogyahay war magadhaysiid heer intad diinta adiga oo garanaya ad qadfayso oo ad kabenshegayso kan alph.alpha ina alpha shegtaa waxa usaladiiy kadhigay in gabay lagu adimo oo waxay wax hagagan waa marka ad iman ledahay ee kursiy boob u orad waa danbiy
    alph.alpha ina alpha kanshegan waxa u iskudhexdarayaa rabow iyo cay may isqataan waa maya hadad diinta aqoon ulahayn kulama yabeen ee waxan layabaa nin garanaya diinta oo aflagado wada waxad udagalamiy ma aha diin ad kor uqaadiy ma ahaa kutub ad dad bariy sow xume dadka uma horsedaysiid cankabut waxan idiin sheegiy in allaah xilka udhibay cmc cid kaqadiy oon rabiy ahayna majirto hayle idinku cirka udira hakasiqoro erigee tagnida yu ku kajaa hayle lakiin waa in ad allaah aminto namimiye adan noqon ok iska dayaa webabka ad ku akhara segteen war cmc xilka allaah cid an ahayn kama qadiy karan halmilyan oo hayle haday damash

  24. Cankabuut Qaawane yaa FB intaan ii soo dhigay Waxaan jeclahstay inaan kula
    Alphaa Alphaa Alphaa (waa user name) Ka Qaawane si uu u qaldo dadka waxa uu isku dayayaa in laysku kaayo khaldo.

    Alphaa Alphaa Alphaa
    wax labadaliy majiro ubo ssi itixad barta tastuurka allaahna been haka shegiina cmc allaah xilka udhibay wana geesiy allaah jecele ordo hayle cirka tag dheh oo alah ma aminsanidiin caydiina yaa waxwalba saxaysa oo xilka cmc wu hayn inta rabiy uqadaray ee hayle suga idinku anagu allaah yan kuqanacsanahay waxad nohagajisan moye wax nagaga xuman mayo been iyo mokir
    nin allah kacabsan macayo cida mamusha ee diinta yu gadhsiya umada marka nabadiid alph.alpha ina alpha hayle cabuud anagu rabiy yaa xilka nasiyay wana aminsanahay lakin xayle yaa xil kaga qadiy yad isledahay ta allaah ha ilobiin danbiga kayareyaa dadka ad xamataan eed aflagadaysan danbigay galeen waxa qadaya cankabut oo ku xadgudbay diinta isaga oo garanaya iyo dibjir alph.alpha ina alpha oo gabay ku adimaa benale uf ssi ubo

  25. Qoslaaye salaamulaahi Cakayka sxb
    Aadbaan uga helay qormadaadan yar. Xaqiiqadu say tahay waa sidaa danayste iyo doqon baa moogan xaqiiqada oo indhaha ka lalinaya
    Saaxiibkaa Mahad. Kololbadan baan wax isla meel dhignay ee waa soo xidhi waayay midda kale walaalkay Mahad midnimuu aad uga hadlay ,waana tan ugu muhiimsan danta guud meel uga soo wada jeedisaga oo ah in la midoobo waxaa kow Ka ah in waxa midnimo la aanta ina iigu wacan oo Qaawane kow Ka yahay meel laysla qaato Ka dibna ooda ku Xigta oo aan garanayno loo midoobo
    Tii waxaad moodaa in Mahad nala qaadan waayay oo Qaawane indhah Ka lalinayo
    Annana Waxaan taaganahay war ooda dhacameed siday u kala horeeeyaan yaa loo wajahaaye aan horta Mujrimkan meel saaro

  26. Sxb ninka magiciisu yahay qoslaaye. Hadalkii sa,waa hadal ay ka muuqato.xog ogaal nimo iyo daacadnimo badan, xaqiiqada marka la sheegana way ku dhaa dhici.can ka buu dow ,hadalka aad t idhi waad is qarinaysaa iyo kuma fahmo,maamul ka aynu ka had lay nay baa eraya daas is tic maala.oo marka wax loo sheego dha ha waxaad tahay nabad diid,uBo,argagixiso,iyo wixii la mid ah, ee haddii kala Shakiga,dadkeena lagu beeray kugu jirana Allaha kaa da weeyo,haddii aad labadii nooc een,hore u sheegay mid k ood tahayna mar umbaa lagu ogaan.kaftan yar oo su,aal ah, Saaxiib maxaad mar qudh ah, u soo qa adi way day janaral ada qaybi ya ,hub ka dadkeena lagu g uma a dayo iyo,A mar ka sare.ee adis.ababa ka soo fullaya?mase waxaad igu qan Ci nay saa dawladda dhexe wax badan kama oga waxa dhacay?ama hadda ka jira deegaan ka.haddii ay naan af somali gaa isku fahmi wayno,inoo gu badal afafka kale.

  27. Asc.. mahad sxb horta marka hore dambigeena iyo kii waalidiinteenba ALLE hadhaafo.. cankabuut wuxuu yahayba horta waa mid uu ALLE sw maalinka qiyaamo kala xisaabtami doono.. sxb muranka madhaleysta ahna mafiicna waxaan garan la’ahay marba hadii aan midnimo iyo maslaxada umadeena isla meel dhignay sababta aan u murmeyno..sxb maxaa ku gubaya? ?????
    horeyna waan kuugu sheegay eegana waan kuugu celin e anigu waxaan ka warami karaa oo kaliya waxa aan xog ogaalka u ahay sxb ragaa kale eed kasheekeyn hadii aad xog kahayso ee generaladan aad ku celcelisay noo sheeg
    kkk waxaad tidhi cida aad tahay waligaaba is qari wa lagu ogaan…sxb hadii aad qaawane tahayna anigaaba adiga kuu digi oo kuleh taada ubaqo hadii aad cid kale tahayna cida aad wax qaadi karto ayaa loo hanjabaa..

    murti soomaaliyeed baa waxay ahayd “ninkii farihiisa ursada waxbuu ku ogyahay” sxb adigu hadey luuqadu kugu adagtahay turjumaan uyeedho farta aad qoreysana waxay kamarqaati kacaysaa aqoontaadu heerka ay gaadhsiisan tahay…

    kursagan iyo qandaraaskan aad kasheekeyna ilaahay baa wax kakheyr badan isiiyay waxa aan 24 uhadlina waa xanuunkaa muslimiinta lagu hayo

    qaawane wuxuu yidhi cankabuut wuxuu ku xad gudbay diintii……..horta bani aadamku sidiisaba xad gudub lagama waayo balse qaawane mid aan ku xusuusiyo..horta diinta islaamku waa burhaan; bayaan laakiin qarnigan lajoogo waxaad moodaa dadku islaamnimada in ay si kale ufahmeen.
    hadii aan diinteenii macaan ku xad gudbay iqabta oo idhaha halkaa iyo mejaasi waa qalad e kajoog…afbaa iijaxan un looma hodlo e aqli baa lagu daraa ALLE sw wuxuu aayad quraana kuleeyahay “fa’tuu burhaanakum inkuntum saadiqiin” cadeyn iyo xujo la imaada hadaad run sheegeysaan..ninka muminka ah markuu kugu xad gudbo waxaa lagu cabsi galiyaa ALLAH..ninka munaafaqa markuu kugu xadgudbana waxaa lagu cabsi galiyaa waxa uu kaboqo (qaawanow halkaana mafahantay)

    QAAWANOW kudarso e kuwii aad heerkan iyo darajadan kusoo gaadhsiiyay ayaad dhabarka katoogan e dadkaa kalana maxaad umaleyn (liyuu police).. abwaan alpha qaawane waa meyd balse waa suaal e marka xilka lagaa qaado xagee buu hee…………………….. ??
    nacalad ha sugnaato alshabaab iyo cidwalba oo amniga wadanka khalkhal galin.
    * * * * * *

  28. Waa runta a way hoo say saa aqoon tay du ,laakiin,dadka dad kayga xasuu qay,waan garanayaa ,ama jigjiga ha joogo,ama Herar ,adis ababa ,haddaan hadalka koobana,dhoodaan,tuducii sii ahaa.Ninka gabiga igu soo dun shayoow, saw ku garan maayo.ilaahay na wuu og yahay ,waxa deegaanka ka dhacay.ama ka socda.ee xabashi iyo dad damiir laa wayaal,ah ,ooy,wada to ka samay naya an qofkii labadaa kala jecelna Diin,kama hadli karo,

  29. Asc.. walaal mahad ina adeer waxaan layaabanahay sababta aan isu qaaniinsanahay…. aqoontaadu way hooseysaa igama aha balse waa jawaabtii aan kaa siiyay markaad igu tidhi ama xabashi soomaali bartay baad tahay ama nin qandaraas loo diiday oo ana aan ku idhi adigaa igagadhow oo fartaadu wey is dhex yaacsantahay.

    walaal in aynu cuqdad isu qaadno shakhsi darteed mahaboona e iga raali noqo…runti majecli in aan qof kacadheysiiyo sidaa uu walaalkeen qoslaaye runta ucadeeyay oo kale hadii aad dadkaa aad kasheekeyn xog kahaysana walaal noo sheeg waayo waxaan sidaa kuu leeyahay ALLE sw wuxuu aayad quraan ah kuleeyahay

    “yaa ayuhaladiina aamanuu injaa’akum faasiqun binabain fatabayanuu antusiibuu qowman bijahaalatin fatusbixuu calaa maa facaltum naadimiin”

    mu’miniintaay hadaad hadal maqashaan iska hubiya kahor inteydaan ku talaabo qaadin oo aad dulmi ugeysan laheydeen dad aan waxba galabsan markaa kadibna aad qoomameysaan.

    borobogaandhada uu QAAWANE ogaden24.com kusoo qorayna walaal yeynaan ku talaabo qaadanin waayo waa iskudir uu dooni in uu amniga wadanka ku khalkhaliyo

    walaal anigu hadaan islaam ahay iyo hadii aan gaal ahayba waa mid uu alle igala xisaabtami doono balse malaha waad iga cadhootay ayaan umaleyn e sxb aynu is cafino koley anu xageyga waxba kuuma qabo…waxa hadalada qaar iga keenina waa QAAWANE nacaybka aan u qabo aduun iskaba daaye aakhiro xitaa ineynaan ku heshiineyn.
    ¤ ¤ ¤ ¤ ¤ ¤

  30. Waxa adiga iyo ruux kale, dhiba midna run tii ma jecli, waxaan se jecela hay in aan ka hadlo wax kasta oo dad Kay ga isku soo dhow naya.waligey.wax cid ma caayin adiga na ,ku caayi maa yo ,xataa haddaad wax kasta I tidhaahdaa do.waxaan se ognahay ,dhibaatada jirta waa talo la inoogu geystay ee ma ha mid ka ma, ku dhac day.waligey. ma akhriyin war aan hubo in uu been yahay .ogadennews ama cakaara waan ka dha rag sanahay,waxa ay yihiin.Adiguna 100/100 raalli iga noqo,a aya da, quran ka ah eed akh riday waxay ka mid tahay 88 jeer ilaahay yidhi dadkii ilaah iyo r as uu kii rumen ya yow ,waxaa samee ya ,ama waxaa ha samay nin a. Mid ka mid ah,ayaa ina odhaan naysa,ilaah ka cab sad a ,run sheega yaal na noqda.maah maah ayaana ,tidhaahda,hadal na run baa lagu cade yaa. ilkana rumay.waan dhe re yay.

  31. Hhh bro Khayaali bad haysaan walaahi Indha adaga ban maqlo jirey lkn Idinka dad idinka i dha adag ma jiro runtu wa maraagto ba layidhi.. Ilaa inti u bilowday khilaafka idinka iyo idin dhaxeya Madaxweynaha wxd ka dhaman ladihin dacaayad meel magaarto ah.. wxn idinku bisharaynaya aniguna in u Yahay CMC Madaxweynaha DDSI ee Shanta sano e so socota iyo waxa ka si danbeeyaba Insha Allah.. Waana Guddomye ku Xigeenka Dabagalka Miisaniyadaha e Heer Federaaal. Hanbaliyo Hanbaliyo Guusha u soo hooyatay Shacab Weynaha DDSI

    • Ninka Magaca Shakuur watoow walaal adigoo raalliya hugufka iyo siigta dadka kala fadhiiso, waxaad u muuqataa nimaan waxba cabiri karin waxna aan aad u fahmi karin, waana astaamaha lagu yaqaan xaabada qaawane waayo waligii masoo diran mana dirto nin indheer garad ah ama inuun wax u billaaban yihiin oo wax fahmi kara. Taa bedelkeeda dadka nooca uu ka helaa waa nooca loo yaqaan hugun raac iyo sacaboolayda durmaanka ugu darta xataa hadduusan hadal. Dhanka kale markaan eego tilmaamaha lagu garto hoggaamiye tayo leh waxaa ka mida inuu soo xusho oo isku meeriyo dad challenge garayn kara oo su’aalo ka keeni kara wax kasta oo uu soo dhigo, si uu uga badbaado khaladaadka uu ku dhacayo, hase ahaatee hoggaan xumada maanta ka jirta degaanka astaamaha hoggaaminta suuban aadbay uga fog tahay waana marag madoonto, markaa walaal Shakuuraw waxaad ka mid tahay bukaanka wada qoslaya ee daba taagan shaqsigan inuu miyir qabo iyo inkale lakala garan la’ayahay, waxaanse ku oran lahaa haddii fekerka aad soo qortay kaa run yahay dib iskugu noqo oo aad u qiimee waxaad aaminayso iyo waxaad taageerayso adigoo ka duulaya halbeegyada saxda ah ee caddaaladu kow ka tahay, hana ka mid noqon nooca qabyaaladu madax martay ee miisaanka ay wax ku miisaamayaan dhinaca ka fuula waa ayaan daro! calaa kulli xaal anigooy talo iga tahay saaxiib intaadan hadal ka fiirso waxaadan aaminsanayna haku hadaaqin. Xaqiiqdana waad ogtahay haddaadan doonayn inaad ogaatose waa baab gooniya, Shacabka deegaanku waa inta Jeelasha ka buuxda oo xataa aan garanayn sababta lagu soo xiray, qaar badanoo ka midana xubnahooda lasoo gaarsiiyay dhibaatooyin kala duwan, wax wadanka iskaga cararay, hugun raacyada u tunta Qaawanena oo aan xataa dhammayn 1% dhammaantoodna waa bukaan wada qoslaya, markaa saaxiib bishaaradaadu ma shacabkaad leedahay xabsiyada halagu sii hayo oo cadaabkan dunyawiga ahi halkaa hakasii socdo. Anaguna waxaan ugu bishaaraynaynaa shacabweynaha dulman in Allaah raxmaanka ah uu hadalkiisu dhab yahay oo yiri xadiisul qudsi “La ansurannal Madluuma walaw bacda xiin” inuu Allaah u gargaaryao ciddii dulman waa mid asagu isku waajib yeelay waana taasu taan aaminsnahay ee aan ka duulaynaa waana xaqiiq aan wada sugayno arkina doono sida ugu dhaqsiiyaha badan, markaa walaal waa iga talo ii kusoo biir intay goorgoor tahay kuwa u dadaalaya inay dadkaooda ka saaraan dulmiga haysta iyo dhibaatada ku habsatay kkkkkkk kollayto hadhaw waad na raaci doontaaye iminkaa kuu haboon kkkkkkkkkkkk waxaan hadalka u badiyay waxaan jeclaystay inaan kuu caqli celiyo adiga iyo inta fekerkaa gaaban aaminsan

  32. Aadmiga, markii la abuu ray ,nolashiisuna ,way la soco tay, marna dhibaato ,marna,wanaag,taariikh ahaan intaan maqlay ama joogay,maanta maalin dhibaa ta du, ka culus tahay,ma maqal,mana arag, mana akhriyin,waxaan joogay,1964 markii cirka iyo Dhulka ba laga du qay naya, dadka iyo deegaanka ba,waxaan joogay,xilligii min giste.waxaa kale,oon odayaal shii joogay la kul may,1894 ilaa 1897 1900 ilaa 1913 1919 ilaa 1936 1948 ilaa 1959 intaas ba waxa dhacay xasuuq yo xad dhaaf ah,hal gan,kumaan,kun qof ku nafwaa yeen,laakiin toban kan sano waxa dhacay horay uma dhicin.intaas ba waxaa na tii jadu ahayd Dhulka waxa u hadha yay dadka iska leh,haddana waxan waa laga baxa yaa,ee waa jib ka in saaran waa talo I’d nimo somali yeed.

  33. Walaal,bishaaro da aan u u baaha nahay ,ma aha taad sheegay so,ee waxaanu u baa ha nahay ,bishaaro nolol ,caddaalad, iyo talo iyo dadkeena oo si xor ah talada gacanta ugu dhiga.lana joojiyo Dulmiga iyo xasuuqa,aan xad ka lahayn.tuducanna akhri waa t.cadde,ninna dunida qoodh uma noqdoo,qa lin horaa yaala.waa wixii fir coon lagu qar qay qorla fidi yaa ye.

  34. Qaybo kale oo Ka mid ah Qoraaladii Qaawane FB soo dhigay,bal ila eegga wuxuuu ku hanjabayaa inuu cagaf galinayo guryihii ragii siyaasadiisa guracan Ka soo horjeedsaday,wuxuu leeyahay usheega Master Plan baa maray,e.
    waxa kale oon udheegayaa nimamka cankabut iyo jahil alph. kan kobiy gareyay usheega ssi hantidiiy ay boobeen in mastar bilayn kudhacay oo idinku borobogandhad rafinaysane xataa ad runta kadhargiy doontan bal beenale nagamid ma aha cankabut iyo dabaqodhiy alph. shacabka iyo dadka imisa yad borobogandho uso shegayseen qoralkina halcqoral oo runa kuma jiro beentada hore runtada danbe yay biisa ha ku lugina sawirada dawladu sogaliso fb ayad soqadan kadib yad kumashqushan ha daliina dhortaysan ogaa mayna dhalanba ssi ubo itixad uf diinta yaa idin qaban
    Qayb kale
    alph.alpha ina alpha tuk tuk dhalay anu ma ihiy madaxwayne cmc kitabka quranka in ana ahayn lakin tuuk ayad tahay cankabut maxad diin kashekayn ama ad ayad soqadan shaydanka quranka guba hadaba wayo diinta kadaa webkan ad tobanka dollar kuqadatan war diinta ssi itixad ubo kadayaa gafka diinta hadad rabto cid diinta sideeda uwada oo allaah kacabsan orad zakir nike dawo ok cankabut madiga yaa laga qaylyi markan kushego ee laydhka iyo biyuhu kago an yaad alph uga shekayn idyat waxad hayso waa ladodayaa ee hebalba sidan leh waa kalmadiy damacdonka ssi ubo
    Qaybta 3aad
    ssi itixad habeen madow yad borobogandho kaga baxdeen magalada takale cankabuut toosban kugaranayaa nin reer galbedana watahay magacaga cadiga shegiymayo lakiin hadiy ad daynwaydo kabeenshega diinta iyo xukumada allaah igu ige wankushegiy kan magacayga wata alph.alpha ina alpha wa kobiy ay samaysatay ubo ee ciyalkaga haka goyn laydhka iyo biyaha wad urtay jeelka ad ku gabaydan idiinka galiyafqadhmun ssi itixad

  35. Asc..bahda degaanka salaan kadib..
    kkkk war abwaan aabo QAAWANE qiiq baa kaduulay e armuu jigjigoo dhan cagaf wada galiyaa koley wa doqonoo haduu doono wuu kaga dhabeyn e?

    arinkaa masterplan ka waa sidaa uu usheegay qaawane wuxuu cagaf galiyay oo uu dumiyay dhamaan guryihii ku ag yiilay aagaa laameyda dhakhtarka… dadku haba isku dhex jireen e ragii maal qabeenada ahaa e jifadiisa hoose ahaydna lacagtii wuu u celiyay danyartiina iyaga warkoodba daa runti waana wax laga xumaado.
    balse arinkaa u ku kacay waa QAAWANE jaahilnimadiisii iyo sidaa uu hadalka udhigay oo ah jawaab uu ugu jawaabayo ragaa ay siyaasada isku qabteen.

    dhawr sano kahor ayuu lacago malaayiina ku cunay in uu wadadaa dhakhtarka balaadhiyo balse waxyaabaha ay shacabku sida aadka ah isu weydiinayaan ayaa ah sababta QAAWANE wakhti xaadirkan ku kalifay in uu arinkan ku dhaqaaqo.

    haba sameeyo oo wadadaa ha balaadhiyo laakiin waxaa wax laga xumaado ah shacabkii iyagoo markii horeba ladaalaa dhacayay nolol maalmeedkooda ayey hadana hantidii kaliya ee ay ciyaalka ku korsanayeena laga dumiyay…. kuwii xujadaha lahaa wuxuu siiyay lacag aan u qalmin qiimaha booskaa laga dumiyay kuwii kalana iyaga warkoodba daa oo wuxuu ku yidhi awal horeba dhulkaa dawlada iskalahayd.

    kasii daranka dadka qaar wadadaa in labalaadhin doono guryahana laga dumindoono oo dadkaa xujadaha leh un lacagtooda loo celin doono wey kasii war hayeen balse nasiib daro markay xujadihii doonteena waxaa lagu yidhi guryahan aad xujadaha uraadsaneysaan already waala dumindoonaa xujadna majirto.

    kan xunee leh cankabuut waan ku garan; hadaad dooni cirka soo dumi…. Walaahi inaanan xaqa ka aamuseyn balse rabi baan ku dhaartay e hadaanan ALLE kabaqeyn waxyaabaha qaar dhagaha ayaad faraha gashan lahayd alxamdulilaah dheh sxb waxyaabaha qaar waan kasii jeednaa e hana kalifin.

    arinkan kalee diinta kusaabsan; waa waajib saaran qof walba oo muslima in uu diinta fidiyo hadey noqoto facebooga…youtubeka..googleka ujeedada uu kaleeyahay qofkaa diinta fidin iyo waxa qalbigiisa kujirana waa mid uu ALLE kala xisaabtami doono… walaalayaal maxaa noo diiday ineynu kudayano ragaa wanwanaagsan ee diinta fidin..

    sxb Kaliya waxaad xaq uleedahay hadii aan xad gudub sameeyo in aad iqabato ood tidhaahdo aayadaa iyo aayadaa siqaldan baad umicneysay ee sidaa ma’ahane
    waa sidan..qaawane se tuuganimo iyo fuleynimo mooyaane diin muxuu kagaran..

    FG: anigu XDSHSI macaayin qabiilna waligey waxba kama sheegin shuruucda iyo qaanuunka wadanka uyaalana mafara galin balse qofka aan ishayno een maamul xumadiisa caayi waa QAAWANE ninkan abwaan ALPHA jaahil kutilmaamay adigaa jaahil tuug ah waayo waxaad kala garan la’dahay XDSHSI iyo QAAWANE sxb waxaa kaamaqan ragii XDSHSI soo aasaasay adna systemka kugu soo daray weli in ay noolyihiin balse waa jaahiloo waxwalba wuxuu moodaa in uu isagu gacantiisa ku keensaday.

    QAAWANOW arin yar aa kugu baraarujiyo.. waxaynu wada ogsoonahay ciidankeena gaarka ah in ay kuwo xunxun iyo kuwo fiicfiicanba leeyihiin cabashooyin laga soo caban haba jiraan e QAAWANOW waligaa ma’aragtay degaanka.com iyo firimbi.net oo had iyo jeer ciidamadaa wax kasheegi oo liyuupolice un kumashquulsan?????
    sababtuse waligaa maisweyriisay? ???????
    adigii kufaanayay ee lahaa anigaa gacanteyda ku aasaasayna 24 saac waxaad ku mashquulsantahay wax kasheegooda iyo in aad xogtooda ugudbiso websiteyada mucaaridka ah markaasaad iska dhigeysaa nin wadani ah tuugyahaw waligaaba waxaad ubaratay dad intaad woxoogaa lacaga farqaha ugu shubto si ay qudhunwade ESTV kaaga faaniyaan ay ku yidhaahdaan cmc waa ninfiican iyo blah blah aan waxba kajirin e wadani nimada soo baro

    qaawanow inbadan ii hanjabtaye goorta aad ilkahaaga sida fataatiiraha utirsan madheera
    * * * * * *

  36. Horaa loo yidhi,Hadh ma geeyo aabihii.ninkii Hooyo dii dilay. Dad aan isu naxayn,oon kala xishoonay ,oon is ix tiraa mayn ,oon af iyo adis mid na isaga Tudhaynin,oon gara naynin.waxa ay isu yihiin,

  37. Asc..bahda degaanka.com salaan kadib..
    cajabnaa minal cajiib..sxb MAHAD hadaan mar labaad ku idhaahdo kuma fahmina waxaad odhan systemka ayaa ereyadaas isticmaala; hadaan comments kaaga akhriyayna walaahi ujeedada aad kaleedahay mafahmin.
    balse hadii aan qiimeyn kusameeyay waxaa ii soo baxday in aad CMC taageersantahay amaba isagiiba tahay waayo marwalba oo wax lasheegaba adna lidkiisa umbaad noo sheegi e ninyahaw ujeedadaadu maxay tahay ????

    kuwan hooyadood dileyse ma inagaa mise waa qaawane ?
    sxb maahmaahdaa hadii aad inaga noola jeedana qaawane isagaa ilmo adeernimadii iyo tolnimadiiba kabooday oo xoog isbiday eega markuu tabar beelayse calaacal waxba utari maayo.igana raali noqo hadii aan siqaldan wax udhigay waa fikirkeygii maskaxdeydan yarta ah mida kale ALLE xigmad wuuba kusiiyay e waxaan jecleystay in aad soo dhigto hadba ciwaanada ugu sarsareeya si aan dhamaanteen uwada aragno inkastoo shakhsi ahaan kamid ahay dadka daqiiqad daqiiqad u akhrista xitaa wararkii hore comments kooda
    * * * * * *

  38. kkkkkk ASC Sheekh Cankabuut, kaligaa maaha walaal waad iiga hortamrtay waxaanse qiyaasay inkastoon qaldanaankaro inuu yahay Duqii cirro ahaa oo towbadkeen maaggan kkkkkk, Mahad kolba meel aan loo joogin ayuu wax aannaan fahmayn oo Gabay iyo mahmaah iyo isugu jira kasiidaynayaa, gabay iyo maahmaah waa loo baahan yahay waana murti Soomaaliyeed laakiin maxallu shaahidkaanan fahmin ilaa iminka, tusaale ahaan iyadoo kitaabka sheekhu akhriyayao lagu jiro Kitaabu dahaara, hadduu daliil ka dhigto aayado ka hadlaya axkaamul xaj soo xertu wareeri mayso oo dadka yaabi mayaan. kkkkkkkkkk

    Markaa saaxiib kaligaa maahan ee dhammaanteen cajabnaa cajiibnaa yaa lagu wada jiraa

    Mahadooow saaxiib is caddee oo warka oogta ka caddee ma nin daanta kale ahaa oo toowbad maagan baad tahay? Ma qaawanaad ka quusan kari laadahay? Ma laftigiisibaad tahay? Hal shaybaase xaqiiq ah inaad qof wareersan tahay oo xaajadu ka laaqan tay, haddaadse si fiican wax usoo qori lahayd waa lagu qancin kari lahaa adigana wareerka waad ka bixi lahayd

    Ilaahaw noo gargaar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*