FB_IMG_1444127303390

HALKAN KA AKHRISO MAGACYADDA GOLAHA WASIIRADA CUSUB EE MAANTA UU KU DHAWAAQAY RAYSAL WASAARE HALIMARIM.

Raysal wasaaraha Dalka Ato Halimarim Deslin ayaa saaka ku dhawaaqay Golihiisa wasiira cusub kuwaas oo isugu jira wasiiro dib ugu soo laabtay xafiisyadii ay horay u hayeen, kuwa wasaarada kale loo wareejiyay, iyo kuwa ku cusub saaxada siyaasada, halka kuwa kalana laga tagayba.

wasiirada uu maanta ku dhawaaqay raysal wasaaraha ayaa ahaa kuwa in muda ahba laga dhursugayay hadaba hoos ka akhriso magaca wasiirka iyo wasaaradda loo dhiibayba.

1. Demeke Mekonnen: Raysal wasaare ku xigeen

2. Debretsion G. Michael Raysal wasaare ku xigeen ahna wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technology-da

3. Aster Mamo: Raysal wasaare ku xigeen ahna wasiirka adeega shacabka .

4. Siraj Fergessa: Wasiirka Gaashaan dhigga.

5. Tedros Adhanom Wasiirka Arimaha Dibadda.

6. Kassa Teklebirhan: Wasiirka arimaha federaalka.

7. Getachew Ambaye: Wasiirka Cadaalada.

8. Abdulaziz Mohammed: Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

9. Tefera Deribew: wasiirka Beeraha iyo Horumarinta khayraadka.

10. Sileshi Getahun: Wasiirka Xoolaha iyo Horumarinta khayraadka Kaluumaysiga.

11. Ahmed Abitew: Wasiirka Warshadaha.

12. Yacob Yala: wasiirka ganacsigga.

13. Abiy Ahmed: Wasiirka Sayniska iyo Technolgy-da

14. Workineh Gebeyehu: Wasiirka Gaadiidka.

15. Mekuria Haile: Wasiirka horumarinta Magaalooyinka iyo guryaynta.

16. Ambachew Mekonnen Wasiirka dhismaha.

17. Motumma Meqassa:Wasiirka Biyaha, waraabka iyo Korontadda.

18. Shiferaw Shigute: Wasiirka waxbarashada.

19. Tolosa Shagi: Wasiirka Macdanta, iyo Tamarta.

20. Kestebirhan Admassu: Wasiirka Caafimaadka.

21. Abdulfetah Abdulahi: Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

22. Engineer Ayisha Mohammed Musa: Wasiirada dhaqanka iyo Dalxiiska.

23. Zenebu Tadesse: Wasiirada Caruurta iyo Arimaha Haweenka.

24. Shiferaw Teklemariam  Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimiladda.

25. Redwan Hussien: Wasiirka Dhalinyarada &  Isboortigga.

26. Demitu Hambissa:Wasiirka xidhiidka Enterprise-yada.

Magacyada afar xubnood oo u dhigma wasiiro hoos ka akhriso.

1. Beker Shale: Maareeyaha Guud ee wakaalada dakhligga Dalka.

2. Getachew  Reda: Madaxa xafiiska arimaha xidhiidhka dad waynaha.

3. Asmelash Woldesilassie: u qaabilsanaha Dawladda aqalka Golaha Shacabka.

4. Yinager Dessie: Madaxa Komashinka Qorshaynta Qaranka.

Degaanka.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*