IMG-20150422-WA0030

MAAYORKA MAGAALADA GODEY OO AAD U MIRQAANSAN SHIISHADNA CABAYA IYO SHAQAALIHII BEERALAYDA OO LA XIDH XIDHAY IYO SHACABKA GODEY OO KACABANAYA XOOLAHOODA OO LAGU TUNTO +sawiro

Waxaa habeen hore xili fiidkii ah weerar balaadhan oo aan la garanayn u jeedadiisa lagu qaaday dhamaan shaqaalihii beeralayda ee degmada godey kuwaas oo dhamaantood xili habeen ah lagu soo guray jeelka magaalada godey

Dadkan ayaa markii lasoo xidhayay dhamaantood laga soo qabtay mid walba isaga oo ku sugan goobtiisa shaqo ee ah beerta uu ka shaqeeyo ninkasta iyadoon loo aabo yeelin hantidii u badnayd noolaha oo la sheegay in qaar habeenkii uu waraabe cunay.
Dadkan shaqaalaha beeraha ka shaqeeya ayaa u badan dad ree liibaan iyo Oromo ah oo aan loogu mar marsiyoon Karin waxaad tihiin nabadiid.
Shacabka beeralayda ayaa waxay sheeganayaan dhibaato badan iyagoo ku cabanayay waxii hanti naga khasaartay ilaa habeen hore ha khasaartee yaa un hada dadkii shaqaalaha ahaa noosoo daaya

Waxaa intaa u dheer dadkan beeralayda ah oo ladoonayay in dawladu garab qabato ayna sheegato in ay garab qabatay in wax loo taro iskadaayee laga daayo baada joogtada ah ee dhamaan beeralayda degaanka lagu hayo iyo xidh xidhka shaqaalaha Taas oo ku tusinaysa in xukuumada ilay ay tahay hormardiid ee aysan ahay xukuumad hormar.

Dhinaca kale dad uu la kulmay wariye socdaal ku jooga godey oo ka tirsan shabakadan ayaa u sheegay in maayarka magaalada oo ah nin jaahil ah uu dhib badan ku hayo shacabka isaga iyo koox ayay dheheen uu NEED keensaday magaalada oo u gura lacag dakhli ah oo aad u badan iyo tu kolba magac loo yeelo sida xisbiga, nabadgalyada iwm

IMG-20150422-WA0030
Wariye xasan oo arrintan loo sheegay xaqiijinaya ayaa la kulmay wax cajiib ah kadib markii uu mudo raadinayay maayarka magaalada godey ayuu helay isagoo ay u marayso xaaladu meel macaan oo mirqaan kii ugu caalami sanaa ku jira sida idiinka muuqata sawirkan

Wariye xasan ayaa aad ula yaabay way diiyayna maayarka sababta ay dadku u cabanayaan lakin wariye xasan waxa uu ugu jawaabay maayarku saaxiib aan kaa falalaxo (mirqaamo) ee orad kol kale isu keen keen hadii kale hoo ila jiid macaantaydan oo uu ku sheegay gaayada uu cabahayo ee ad ka aragtaan sawirkan hoose
Xasan oo yaaban ayaa dib u waraystay taariikhda maayarka waxaana usoo baxday in uu yahay nin jaahil ah oo aan waxba garanayn isagoo ogaaday xataa shahaadada uu ku soo shaqo tagay in uu lahaa walaalkii oo layiraahdo MAXAMED SHEEKH ABDIWAHAAB

IMG-20150422-WA0027
Halka isaga magaciisana la yiraahdo GUULEED SHEEKH ABDIWAHAAB .
Isku soo wada duuduuboo waxa aad in dhihiina ku aragtaan taya xumida haysata qofka meeshaas is dhigay waa su aale yuu hormar gaadhsiin karaa qofkaas maxaase la gudboon guud ahaan shacabka degaanka oo ay wada haysato arrintanoo kale iyo ka daran oo dil iyo xadhig u dheeryihiin.

Guud ahaan maamulka kaligii taliye Cabdi Iley ee heer Deegaan ilaa heer qabalee ayaa inta badan wakhtigooda ku lumiya cabida shiishadda(Gaayadda) iyo wax yaabaha lamidka ah iyagga oo shaqada ay qabtaana ay ugu muhiimsantahay xidh xidhidda dadka shacabka ah iyo in ay dadka shacabka ah si xoog kaga guraan lacago baad ah oo ay kolma magac u sameeyaan waxaana uu sawirkani ka turjumahayaa xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin Maamulka Cabdi Iley.
DEGAANKA.COM
warsidow@gmail.com

2 comments

  1. Allow adigaa qadaray cajab
    War qiiqan sawirka kore kolkii hore waxaan moodayay Ninka gadhkiisii ilaa aad sharaxdaan kkkk
    Oday gadhkiisii cadaaday ayaan uhaystay qiiqa
    War illaahay qaadirsanaa.wax qabadka Qaawane iyo qoomkiisu waa qiiqaa haddaba

  2. Odayga gadh kiisa looool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*