2015-04-22-00-58-57-1

BAROORDIIQ LAGU MUUJINAYO SIDA LOOGA XUNYAHAY FALKII ARGAGIXISONIMO EE KOOXDA DACISH KULA KACDAY MUWAADINIINTA REER ETHIOPIA OO KA DHACAY ADDIS ABABA

2015-04-22-01-00-51-1

waxaa maanta la iskugu soo baxay magaalada addis ababa banaan-bax loogu baroor diiqayay dhacdadii foosha xumeed ee ka dhacday liibiya oo ay ku gowraceen argagaxisada ISIS 28-dhalinyaro itoobiyaan ah oo aan waxba galabsan.

Banaanbaxan ayaa kasoo bilowday kirkos ilaa meskel adababayga, waxaa dhex socaday qoysaska dadka lagu silciyay libiya. Falkan ayaa ka dhacay 3-beri ka hor dalka libiya oo video soconaya 29 daqiiqo ay ku soo bandhigeen argagixisada ISIS gowricida iyo xabad kudilida 28-qof oo aan danbi lahayn. Mahan oo kali ah itoobiyaan dadka ay kooxda ISI kula kacdo falalka xasuuqa ama dilka qaabka daran ah ee si guud ayay dunida ugu geysataa weerarada noocaan ah ee cabsida badan.
2015-04-22-00-59-56-1

Dhanka kale dawlada ayaa ka muujisay murugo aad u xun dhacdadaasi, waxaana maanta laga ansixiyay baarlamanka laga bilaabo barito 3-beri oo loogu baroordiiqayo danbi laawayaasha ay sida foosha xun u silciyeen argagaxisadan iyadoo ladajinayo 3- beri calanka dalka iyo safaaradaha aduunka ay ku leedahayba, waxaa sidoo kale ay dawlada ku dhawaaqday banaanbax berito ah oo loogu baroor diiqayo dhacdadani.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ku dhacdo muwaadiniin itoobiyaan ah, waxaana maalmo ka hor si aad u fool xun loogu gubay dalka south afrika in kabadan 6- qof oo ay 3-itoobiyaan yihiiin. Majiraan wali jawaabo u qalma oo laga siiyay dhacdooyinkani waxaana la sheegayaa in ay ku xanibanyihiin liibiya Muwaadiniin farabadan oo itoobiyaan ah islamarkaana ay u baahan yihiiin gurmad iyo cunto ay isticmaalaan oo wararku sheegayaan inaysan heysanin waxay cunaan. Dhanka kale south afrika ayaa sheegtay in 300-oo qof ay u xidhay falkii ka dhacay maalmahan durbun iyo johanesberg.

Umadaha guud ee dalka ethiopia ee haysta madaahiibta diimeed ee kala duwan ayaa dareen mideysan ka bixiyay dhacdadaas oo ay ku sheegeen mid xanuun badan oo si isku mid ah shucuubaha dalka itoobiya usoo wada gaadhay, sidoo kale culimada islaamka ee dalka itoobiya ayaa ku sheegay falkaas mid ka baxsan diinta islaamka ee sharafta leh.

waxaa kaloo la filayaa in ay bari ka dhacdo baroordiiqdan magaalada jigjiga oo ay shacabka iyo Dawladuba ku muujin doonaan sida ay uga xunyihihiin falka waxshinimada ah ee lagula kacay walaalohooda dulmuga lagu laayay

One comment

  1. asc… bahda degaanka waad salaamantihiin salaan kadib… waxaan runtii aad uga xumahay falkan fooshaxun ee lagulakacay qof aan damhi lahayn…
    diinta islaamku maogola in qof’aan waxba galabsan ladilo..
    allah sw wuxuu aayad qur’aan ah ku yidhi ” qofkii qof dila (gaal/muslim) aan waxba galabsan wuxuu lamid yahay sidii isagoo caalamkoo dhan laayay… sidoo kale qofkii qof baniadam ah bad baadiya, wuxuu lamidyahay sidii isagoo caalamka oo dhan bad baadiyay….

    walaalayaal maanta diinteenii islaamka waxay noqotay mid ay dadkan arxanlaawayaasha ah ku xalaashadaan dhiiga shacabka…
    dhalinyartaa itoobiyaanka ah ee ladilay waxaa lagu eedeeyay in ay qaadan waayeen diinta islaamka… oo allah sw nabigeena muxamed scw wuxuu amar ku siiyay un in uu yahay dige qofkii diidana in lala xisaabtami doono ee lama amrin in uu qasab ku islaamiyo..

    allah sw wuxuu yidhi (laa iqrahaa fidiin) diintu qasab ma’aha runtii arimahan foosha xun iyo dilalkan qorsheysan ee deegaankeena soomalida uu qaawane kawadaba wax laga aamusi karo ma’aha..

    walaalayaal mafadhi baa noo yaala iyadoo diinteenii macaan sidan loogu qaraabanayo oo daacish, alshabaab, iyo qaawanahan tuuga ah umada ku gumaadayaan…

    hadii aaan nahay dhalinta reer itoobiya waxaan ku baaqayaa in jawaab deg deg ah laga bixiyo falalkan foosha xun ee lagula kacay dhalinyartan reer itoobiya.

    waxaa kale een ku baaqayaa in sidoo kale jawaab deg deg ah looga bixiyo qaawanahan dhalinyarta wadanka kamusaafirinaya.
    INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN…
    ☆☆☆☆☆☆

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*