jeelka jijiga

AADAN GABIYOW OO XABSIGGA LADHIGAY.

Waxaa Habeenkii Labaad xabsigga ku hoyanaya Aadan Gabiyow oo ay shalay xabsigga dhigeen Cabdi ganey Gudoomiyaha Gobalka Nogob iyo C.Jamaal qaloombi oo isagana ah Madax xafiiseedka Cadaaladda ee heer deegaan kuwaas oo aan ila hada lagaranaynin sababta uu ugu xidhanyahay Aadan gabiyow.

Mr.Gabiyow oo ah nin in badan kusoo jiray siyaasada Kililka ayaa sanadihii dambe ahaa nin iska ganacsada ah oo iska shaqaysto waxaana hada kahor xabsiga dhigay Cabdi Iley isaga oo kamid noqday kumanaanka qof ee uu Cabdi Iley sharci darada ku haysto isaga oo mudo badan u xidhnaa hasa ahaatee hada banaanka jooga mudo sanad ku dhaw,

Waxaana markii lasoo daayay uu dib isaga bilawday howlihiisii ganacsiga ee uu markii horaba kujiray isaga oo iska shaqaysanayay waxaana maalintii shalay laga dhex qabtay suuqa isaga oo lagu war galiyay in ay xidhaygiisa soo amreen Cabdi ganey & C.jamaal qalombi oo kamid ah odayaasha Jaahiliinta ah ee Cabdi Iley umada ku gumaadahayo kuwaas oo iska dhaadhicinta Cabdi Iley u xasuuqayo shacabkii Deegaanka ee Masaakiinta ahaa.

isku soo wada duuboo Aadan gabiyow ayaa caawa kamid ah Dadka shacabka ee Dulmigga ugu Xidhan Sysytem-ka gabalkiisu sii dhacayo ee Cabdi iley kuwaas oo hada buux dhaafiyay Xabsiyada Deegaanka waxaana maalin walba la qab qabtaa Dad shacab ah oo aan waxba galabsanin kuwaas Deegaankooda isaga nool sida hada Ku dhacday Aadan gabiyow oo kale.

Shacabka Deegaanka ayaa noqday kuwo layimid Samir iyo adkaysi tan iyo intii uu Xilka hayay Cabdi iley oo bar tilmaameedkiisu uu noqday shacabka isaga oo dadka shacabka ah ku hayay falal kala duwan oo isugu jira Kufsi,dhac,Jidh dil,Xabsi, dil badheedh ah, Dal dalaad & caga juglayn intuba taas oo aan rajaynayno in wakhtigani lasoo gaadhay xiligii ilaahay ka qaban lahaa oo ay heli lahaayeen Horumar xaqiiqo ku salaysan oo la iskaga bixi doono horumar kusheega Cabdi Iley ee afka oo kaliya ku eg balse aysan shacbka indha hooda ku arag

Degaanka.com.

4 comments

  1. ad ayaan.oga xumahay xidhitanka adan gabiyow ilahay haka.so.dayo dulmiga lagu xidhaay asago mar dhow un kasoo baxay xabsiga hada in lagu celiyo waa wax cadalada aad oga fog in aqaanyahanada lagu guro xabsiyada dalka ayagoon wax aay galabsadeen.aan jiriin waa dhiib aan indhaha laga.qaabsaan kariin cadaaladuna way imaan maar dhoow inshaa aallaaaah

  2. kkkk. war aduun! waa duni sabaan aakhir ah. Ma taqaanaan labada nin? waa labada ugu fulaysan uguna dadnimada xun. Hadee C/jamaal waxa uu ahaa shaambal boolis ah waxa uuna dad ka xishoodka( cabsida) eebe ku mannaystay. kkkkkkk. Hal nin umbay booliska is barbar dhacaan xagaas. kkk. Cabdi -ganayna jeer uu ahaa madaxa RRC ee deg. Qallafo waa ninka isaga oo AK47 buuxa iyo bastoolad wata ka cararay 6 daayeer inta uu col mooday. kkkk. “Waa adduun uu Qashiinkii nin rag ah qoorta kaga joogo”. Haddee dawladani way tagiye ganeyow meesha idin hurran adiga iyo Gabyow na waa Godey e waa kobta aad kagasho. ileen la dili umaayo ee wuu soo bixiye.

  3. Aad iyo aad ayaan uga xumahay xadhiga mudwaadin Gabyaw isagoo inbadan soo xidhnaa inay hadana jaahiliintu ku celiyaan xabsiga, sxb geesi alah mahhoojiyo ee samair waa dhawdahay naacawduyr, inalaaha maca saabiriin . Ganay iyo sxbadii iyagaa kudaba mari inshaa.alaah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*