images

M.CABDI ILEY OO MARKALE ISUGU YEEDHAY MAAMULKA DEGOOYINKA & ODAYAASHA DDSI SI UU UGU QABTO SHIRARKIISII CAAYTANKA & CARAATANKA AHAA EE NATIIJA LA’AANTA KUSOO DHAMAAN JIRAY.

Maamulka Degmooyinka ayaa khaati ka taagan shirarka maalaa yacniga ah ee Cabdi Iley isaga oo markii uu rabo in uu Caraatamaba isugu yeedha maamulka Degmooyinka iyo Odayaasha deegaanka u jeedada kaliya ee shirarka Cabdi Iley ee Maalaayacniga ahna laga faa iido ay tahay jaa’ifo iyo aflagaado loogaysto urukii Nabada qaatay ee UWSLF iyo Haylyeeyadii gudigii fulinta ee wakhti xaadirkan ku sugan magaaladda Addis ababa.

Hadaba Cabdi Iley ayaa maalintii shalay ahayd Maamulka degoomiyinka u shergay in ay iska soo xaadiriyaan magaaladda Jigjiga iyaga oo aan sii maqnaynba wax aan dhanayn todobaad oo kusoo lu go ay dhagax dhigii jaamacada qabri dahar kadib markii ninkii loo shiriyay uusan lahadlin ayaa hadana loo sheegay in ay jigjiga yimaadaan taas oo ka yaabisay maamulka degmooyinka oo iyaga laftigooda kamid noqday dhibanayaasha shacabka deegaanka.

Shirarkan uu Cabdi Iley ku mashquuliyay maamulka iyo odayaasha deegaanka ayaa noqday mid hada lawadanacay maadaama lasii ogyahayba natiijadiisa oo ay tahay aflagaado iyo caaytan oo kaliya taas oo hada keentay in ay odayaasha deegaanka kala dhuuntaan si aysan dhagahooda u soo gaadhin jaa ifadda iyo caraatanka maalaayacnigga ah ee Cabdi Iley.

Isku soo wada duuboo waxaan sugnaa waa in uu Cabdi iley maal mahan fooda nagu soo hayo uu shirkaasi qabto kuna soo dhamaado natoijo la aan iyo kharash badan oo la bur buriyo sidii caadada u ahaan jirtay Cabdi Iley ee aan hada kahor uga baranayba.

Degankasi.com

4 comments

  1. SSI wagii hore maxad uga hadliwaydeen.misa waga hore sax ayay ahayd hada ayaa khalad ah there is no.chance for you in aad umada iyo dadwlada iska horkentan. wat waxan iska dhafa madaxwayne cabdi ha ku mashqulina danihiina ayaa baylaw ah. he is always hero and will be for ever.

  2. Haa waa sax ninkan waxaan filayaa haduu madaxweynha uusan caayin mahurdikaro xataa reerkisa beylah ayuu kanoqday
    walaal CMC sidaas kuma ogaanayo inaad web qorto lkn gacmaha ayaa ku xanuunayo sida aad wax uga qoreyso asagan uusan kuu ogeyn

  3. waxaa wax lagu qoslo ah dabadhilifka aan qiimaha laheyn ee isku daya qorsha la’aanta iley iney commentiyo ka bixiyaan warbaahin xor ah iyo dad ka qiimo badan dib usocodka wadanka afduubka ku heysta

  4. war niman yahaw dawlada iyo shacabka ha isku dirina dhaliil ninkii hayaa xukuumada horteeda haka sheego haday daacad idinka tahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*