pm males and sh ibrahim

ITIXAAD{UWSLF} MAKA TABARBAA MAWAXBAY UTURAYAAN MISE SIDANAA TALO KA AH

Waxaa waayadan danbe aad isu soo tarayay colaad hal dhinac u badan oo uu Abdi iley ku hayay ururkii UWSLF ee nabada qaatay colaadaas oo kaliya laga dareemo Abdi iley halka ay madaxdii UWSLF ama itaxaad shibta ugu dadaaleen wax yaabaha dhibka ah ee uu la joogtaystay madaxweyne ilay
Arrintan oo ay shacabka degaanka la wareereen noqotayna hadalkay somalidu dhihi jirtay NIN IYO NAAG ISQABA COLNA MA AHA NABADNA MA AHA.

Taas oo lagu macneyn karo sida ay isula dhaqmayaan madaxda ururkaa nabada qaatay ee itaxaad iyo cabdi ilay oo aad moodo in ay dhinacna isku wanaagsan yihiin dhanka kalena ay muuqato colaad balaadhan iyo dagaal lagu hayo dadka ka tirsanaan jiray ururkaa oo uusan la gabaneyn abdi iley isagoo hada ku daray liiskiisa BLACLISTIGA uu qofkii ka horyimaadaba ama run u sheegaba uu ku dari jiray

Abdi iley waxuu ka qaaday talaabooyin badan ururkaas nabada qaatay waxaana ugu mihiimsanaa talaabooyinkaa waxuu xidhay Hay’ad wayn oo uu ururkaas markii uu nabada qaatay kadib fureen hay’adaas oo dadbadan wax u qabanaysay oo isugu jiray agoon iyo bulshada caadiga ah

waxaa kaloo uu albaabada isugu dhuftay iskuulo ay dhisanayeen dadka qurba joogta ddsi laakiin ay ku baraarujiyeen ama ay u ol oleeyeen xubna ka tirsanaan jiray ururkaas kuwaas oo nabada kadib u jeedsaday hormarka iyo xoojinta nolasha aas aasiga ah ee bulshada.

Waxaa kaloo say noo sheegeen dad xog ogaal ah uu ina ilay kula dhaqaaqay dad kasoo jeeday ururkaas xadhig iyo jidhdil halka qaar kalena uu ka saaray degaanka iyagoo magan galyo siyaasadeed ugu sugan caasimada dalka ee A ddis Ababa

Sidoo kale waxuu xidhay ganacsiyo waawayn oo ay dawlada dhexe usiisay canshuur dhaaf isagoo ku xumaynaya labada dhinacba.

Abdi ilay ayaa waxaa waayadan danbe caado u noqotay cayda shakhsiyaad ururkaas hogaamin jiray iyo guud ahaan mabaadiidii ururkaas taas oo dhaxalsiisay ina ilay in uu nadir iyo shiico maciin bido cadhada iyo colaada uu u qabo qolyahaas

Ururkan oo 2010 dawlada federalka la sexeexday heshiis rasmi ah oo u horseeday degaanka hormar iyo nabadgalyo ay kawada makhraati kaceen guud ahaan bulshadu dal iyo dibadba iyo dawlada dhexe oo iyadu mar walba si gaara ugu mahadisa nabada ay qaateen sey ugu horseeday fur furnaan badan oo ka dhalatay guud ahaan Geeska Afrika iyo somalida Ethiopia oo ay dawlada aad dadbadan oo wax tar u leh ay is fahmeen heshiiskaa kadib.

Hadaba waxa is waydiinta mudan ee aan ku wareernay ayaa ah ina ilay way cadahay in uu si joogta ah ula dagaalamayo qolyahaas ee maxay talaabo ah oo ay iyagu qaateen, ma mucaarad ayaa looga talo gali sida uu ilay kaga khudbadeeyay maraykanka, ma argagixisaa oo waxay u baahan yihiin in wadanka laga qabto sida uu ilay ku dhawaaqo xili kasta suaalo badan oo noocaas ah ayaa maskaxda shacabka ddsi ka guuxaya ayna u la yihiin jawaab dhamaystiran

Eedaynta uu cabdi ilay eedeeyay ururkan ayaa ah in ay ka raaceen ragii isaga ay is hayeen rag kamid ah ururkan oo hogaamin ahaa taas lafteeda waxaan isku daynay in aan wax ka ogaano waxaana noo suura gashay in aan helno xog ku aadan ninka uu cabdi iley aadka u eedeeyo ee Ahmednajaad in uusan shaqoba kulahayn hawshaas ee lakin ay jirto waxyaabo kale oo u dhaxeeya isaga iyo ina ilay oo biyo hoostood iska arkay.

Ahmednajaad ayaa ah nin fir fircoon oo gal gal badan u leh gud ahaan dawlada sidoo kale waxuu dawr wayn ka ciyaaray arrimaha nabada loogu doonayo ururka ONLF isagoo hada kahorna ururka uwslf isagu soo xareeyay lahaana sababta ay ku yimaadeen.

Waxaa sidoo kale uu xidhiidh dhow la leeyahay madaxda dalka iyo amniga qaranka oo xataa sida nasoo gaadhay u sharaxay lataliyaha RASALWASAARAHA inkastoo uusan noqon Ahmed najaad ayaa ah nin ay saaxiib ahaayeen ina ilay mudadii aysan isku dhicin ka horna cabdi ilay aad ayuu uga talo qaadan jiray walow ay isugu dhaceen arrinta nabada onlf oo uu ahmed u ol olaynayay ilayna kadiiday.

Hadaba pointiga ugu muhiimsam ee isku dhaca ina ilay iyo ururkan ayaa ah in uu ahmednajaad ka baxay faraha ina ilay isagoo si kalsooni leh u dhex galay dawlada dhexe kuna andacooday in uusan ilay talo qaadanin nabadna uusan daacad ka ahay ee uu doonayo kaliya in ay colaadu usii socoto si ay mashruuc ugu noqoto laga helo dhaqaale
Dhanka kalena waxuu ahmed si adag u dhexgalay xafiiska uu ka caaroodo ina ilay ee xogaha badan kahaya waa xafiiska sirdoonka qarankee taasna waxay noqotay kadaroo dibi dhal.

Guud ahaan colaada ayaa aas aaskeedu ahaa sidan aan soo sheegnay iyadoo dhinaca ina ilay uu isku dayay in uu soo dhawaysto sheikh ibraahim dheere oo uu mudo dajiyay guriga martida isagoo inta uu kabaxo sheikh ibraahim oo usii dagan guriga kasoo caayi jiray banaanka markuu kusoo laabtana u sheegi jiray in uu aad u soo caayay waa waalnida ina ilay e.

danta uu kalahaana in uu sh ibraahim dajisto guriga martidana ay ahayd in aysan si wadar ah u dacwoon inta uu aadka usii il darnaa ina ilay isagoo markii uu yar nafisay u taana taaneeyay caydii ahmed najaad oo kale sh ibraahimna, ilaa uu tilmaamay sida uu u kaajo.
Hadaba sheikh ibraahim oo ahaa gudoomiyihii ururka UWSLF marka danbena uu ina ilay ku qoray in uu la taliye u yahay ayaa mar qudhaata ka baqoolay magaalada jigjiga isagoon la garanayn sababta uu uga tagay xaaladan kacsan

Sheikh ibraahim oo ah nin qunyar socod ah ayaa la sheegay in uu ku wareeray xaalada ina ilay hadalkiina uu ka dhamaaday iyo waanadii ugu danbayna go’aan saday in uu isaga baqoolo guud ahaan wadanka lama garan karo waxa u qorshaysan ee uu soo wato lakin waxaa aad la isu waydiinayaa sababta maqnaysiisey ibraahim dheere xiligan xasaasiga ah ee loo baahnaa in si wada jir ah loola dagaalamo kaligii taliye ina ilay.

Dawlada dhexe ayaan iyadu marnaba ka hadal arrimahan ku dhacay ururkan marka laga reebo dad yar oo meelahaa adis ay ku ilaaliyaan.

Waxaa kaloo ilaa hada aan jirin wax dacwad ah oo ay kagudbiyeen ururkani ina ilay oo ay ugudbiyeen dawlada dhexe taasna waxaa naloogu sheegay in ay dheheen muhiim ma aha in aan ka dacwoono ina ilay waa la arkaa waxa uu ku dhaqmayo lakin saas uma ekee waxay u egtahay in ay ka baqayaan in uu dhib intan kabadan u gaysto wax dhib ah oo u hadhaan jirinbee
Ta kale waxaan la garan Karin in uu soo laabanayo sh ibraahim iyo in uu saas ku tagay taas oo walaac badan ku keentay kumanyaal qoys oo uu isagu hormuud ugu ahaa in ay wadanka dib ugu soo laabtaan hadana ay talo ku cadahay .

Su aasha aan hadalkayga kusoo gunaanadayo ayaa ah:
ururkani maka tabarbaa sidan ay hada ku jiraan ee ah noolayso dishada ah oo waxbaba ma awoodaan.
ma waxbay uturayaan oo madoonayaan in ay si wadar ah u dacwoodaan oo ay kadibna xaaladu cadaato in uu ilay la heshiiyay iyo in ay dawlada dhexe la heshiisay iyo in uu bur buray heshiiskii iyo in kale.
mise talaba mahayaan. Oo sidan ayuu xaal ka yahay meel ay u ciirsadaana ma hayaan

degankasi.com

5 comments

  1. Walee saaka waxbadanbaa ii cadaaday waxan fahmi la aa sababta ahmed iyo itaxaadka uu ugu hayo ina ilay waanse fahmay ta kale sideebuu itaxaad haduuna kaligii taliyahan ka dacwoon ugu noolaan wadanka ileen isagaa haystee

  2. MAANGAABKAN IBA ILEEY , WUXUU DAGAALKIISU GAADHAY ISAGA OO GARASHADIISU TUSISAY INUU KULA DAGAALAMAYO URURKAN INUU CAQIIDADII KU DUULO SIDII IYADOO AY AHAYD DIINTU WAX URURKAN LEEYAHY OO KALE OO UU NADIIR IYO SHIICO KEENO , NADIIR AYAA SI XAWLI AH KU SOCDA OO AY KA MUUQATO NADIIR KOLAY WAXBAA IS BADALIYE KA GAADHISII

  3. hadii aad naag disho iyo haday ku dishaba mar walba iyadaa gar leh. doqon la isma garab dhigo waayo waxaa lagu odhan, ma doqonbaa tahay ninkan waad ogayd inuu miyirla’yahay ee maxaa kuu geeyay, hadad wax gaadh siisana maxaad samaysay qof aan dhamayn baad dishy?!! . hadaba xalku waa inaad afka haysataa!!
    takale cabdi ma leh wadanka. ururkaasna waxaan ogayn inuu jiri jiray lkn hada maya.
    shiicada nadiirn waa fidno wadankoodhan gaadhayso ee al itixaad kali ah wax mayeelayso.

  4. su.aashu Waxatahay haduu cabdi ilay ladagaalamay axmed Najaad miyuuna Kiisha ubo Gumaaday ee uu Marwalba ku faano sida Taliyaha Rijmintaga 19 aad iyo Taliyaha Rijmintiga 15 Aad miyayna Ahay Uwslf Gaaab Nin Aad Ku Faanayso Ood Hadana Dialayso Gaabka Yaab kiisa

  5. yaaaabka yaab kiisa Car yaa Abdi ilay Dhowr Oon yaabin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*